Sign in to follow this  
Deeq A.

Jariif xooggan oo ka socda xeebaha gobolka Raas Casayr ee Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
ccccs-696x450-1.jpg?resize=696%2C450&ssl

Wararka ka imaanaya xeebaha gacanka Raas-casayr ee Puntland ayaa xaqiijinaya in halkaas uu ka socdo jariif xooggan.

Kalluumeysato ajaanib ah oo shatiyo ka haysta xukuumadda madaxweyne Deni ayaa lagu soo warranayaa in ay jariif ba’an ku hayaan xeebaha Raas-casayr.

Kalluumeysatada degaanka ayaa si weyn uga cabanaya doonyaha iyo maraakiibta ajaanibta ah ee xaalufinta ku wada xeebaha Raas Casayr.

Odayaasha iyo waxgaradka gobolka ayaa sidoo kale ugu baaqay xukuumadda Puntland in ay si deg deg ah wax uga qabato cabashadooda.

PUNTLAND POST

The post Jariif xooggan oo ka socda xeebaha gobolka Raas Casayr ee Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this