Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan Guruuje oo u Jawaabay Xildhibaan Maxamed Abiib

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa(Qaran news)-Xildhibaan Axmed Yuusuf Nuur Guruuje ayaa Xildhibaan Guruuje ugu baaqay inuu is dejiyo oo uu tudhaalaha ka tagin.

Xildhibaan Maxamed Abiib ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo in Itoobiya ay maalgashato dekedda Saylac, hadii ay sifo sharci ah u istcmaalayso taasi oo dad badani ka biyo diideen.

“Saaxiibkay Mamed Abiib oo beryahanba aan orodkiisa saluugsanaa waxaan leeyahay soo baydh oo arrimaha nabadgelyada iyo kuwa Qarannimada khuseeya laguma degdego. Lagumana kala qaybsamo,” ayuu yidhi Xildhibaan Axmed Yuusuf Nuur Guruuje.

Waxa kaloo uu ku tusaaleeyay tix kooban oo uu Xildhibaan Maxamed Abiib ugu sheegay in sitaasaddu ka dhigan tahay turub iyo ciyaar ee aan loo baahnayn degdeg iyo fudayd.

Xildhibaan Guruuje wuxuu intaas ku daray inuu Xildhibaanka ay saaxiibka yihiin ku dhaliilsanaa sidii uu uga hadli jiray dagaalka Laascaanood iyo qaabka uu u naqdiyay madaxweynaha.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this