Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha oo la Kulmay Maamulka Xarunta Barashada Dastuurka

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha oo la Kulmay Maamulka Xarunta Barashada Dastuurka
IMG-20231017-WA0009.jpg
Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi ayaa maanta kulan la qaatay Maamulka Xarunta tababarada Dastuurka iyo Waddaniyadda .

Waxaana kulankaasi goob joog ka ahayd Agaasimaha guud ee Wasaaradda Marwo Deeqa Cabdi Yuusuf, la taliyayaal iyo qaar ka mid ah agaasimayaasha waaxeedyada Wasaaradda .
Intii kulanku socday ayaa waxa lagaga wada hadlay waxyaalihii u qabsoomay xarunta,Caqabadihii ka hor yimi iyo sidii hawlaha shaqo ee xarunta halkaa uga sii socon lahayeen.

Dhanka kale waxa kulanka lagu soo bandhigay Astaamaha Qaranka iyadoo la isla qaatay in Wasaaraddaha iyo Hay’addaha Dawlada laga saxo adeegsiga Astaamaha Qaranka.

Ugu dambayntii Wasiirka Wasaaradda oo kulanka soo xidhay ayaa Maamulka Xarunta tababarada Dastuurka iyo Waddaniyadda uga mahadnaqay hawlaha shaqo ee ay xarunta ka wadaan,waxaanu ku bogaadiyey Shaqada wanaagsan ee ay Qaranka u hayaan.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this