Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Indhacadde oo si adag uga hadlay tarxiilka Zambia iyo metelaada Habargidir ee DF

Recommended Posts

Deeq A.   
general-indhacade.jpg?fit=617%2C480&ssl=

Muqdisho (Caasimada Online) – Jeneraal Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacadde oo galabta ka hadlay kulan ay isugu yimaadeen waxgaradka beesha Habargidir ayaa aad u canaantay siyaasiyiinta dowladda Soomaaliya ku metela beesha, isagoo soo jeediyey in hadii sidaan ay wax ka bedeli waayaan loo gacan qaado.

Jananka ayaa sheegay in xildhibaanada iyo wasiirrada beesha Habargidir ay taleefanada ka qaba diideen, isla markaana la keeni waayey shir ay waxgaradka beeshaas maanta ka yeesheen tarxiil ganacsatada Habargidir loogu geysto dalka Zambia.

Jeneraal Indhacadde ayaa odayaasha beesha Habargidir kula taliyey inay metelaada beesha kula xisaabtamaan xildhibaanada iyo wasiirrada ku metela dowladda Soomaaliya.

“Hadii aad weysaan ku weerara guryahooda, tuuryeeya oo gaadiidka ku dhagaxyeeya, anigaa raadiyey siyaasi kasta waana soo waayey, taleefanka ma qabtaan, ninka aniga taleefan iga qaba waayey odayaashaan wax kama maqlaayo,” ayuu yiri Indhacadde.

Sidoo kale Jananka oo ka aragti duwanaa odayaashii beesha ee kulankaas ka hadlay oo iyagu eedeeyey beesha Majeerteen oo ay sheegeen inay ka dambeyso tarxiilkaas, ayaa ku taliyey in arrinta aan la qabyaaladeyn, maadaama dalka Zambia uu leeyahay dowlad iyo kala dambeyn.

“Zambia waa dal madax-banaan, Majeerteen malaha, dowladda dowladda Soomaaliya ma laha, jawaabta wixii dhacay waxaan ka sugeynaa dowladeena, iyada ayaa ka masuul ah dadkaan,” ayuu yiri Jeneraal Indhacadde.

Sidoo kale Jeneraalka ayaa sheegay in Suldaan Guutaale Axmed oo ka mid ahaa ganacsatada Habargidir ee dalka Zambia, sidoo kalena ahaa guddoomiyaha jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas uu la kulmay dhac, jir-dil iyo tarxiil, wuxuuna dowladda Soomaaliya ka dalbaday inay ka soo jawaabto sababta keentay in Suldaanka dhibkaas loo geysto.

“Waxaan qabiil uma tiiri karno, hadii qabiil uu qabiil kale weeraro natiijo ma imaaneyso, waxaas horay ayey noo soo mareen, maanta in qabiil loo laabto sax maaha, wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya waxaan ka rabnaa cadeyn buuxda oo ku saabsan sida ay wax u dhaceen,” ayuu yiri.

Jeneraal Indhacadde ayaa beeshiisa Habargirdir aad uga codsaday in arrintaan aysan qabiil Soomaaliyeed uga aar-goosan, “Yaan ficil qabiil lala aadin arintaan, Zambia Majeerteen malaha, laakiin waa lagu kala awood badnaa karaa, dowladda ayaan ka rabnaa cadeynta sidii wax u dhaceen, hadii aan jawaab ka weyno dowladda, waxaan tallaabo ka qaadi doonaa siyaasiyiinta nagu metesha,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Indhacadde.

Hoos ka daawo

The post Daawo: Indhacadde oo si adag uga hadlay tarxiilka Zambia iyo metelaada Habargidir ee DF appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this