Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Habargidir oo ka cabaneysa Majeerteen oo soo saartay 5 qodob oo xasaasi ah

Recommended Posts

Deeq A.   
Habargidir.png?fit=863%2C542&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha Habargidir ayaa maanta shir gaar ah ku yeelatay magaalada Muqdisho, waxaana kulankaas laga soo saaray war-saxaafadeed farriin loogu diray dowladda Soomaaliya.

Habargidir ayaa ka cabaneysa tarxiil iyo dhac dad u dhashay beesha loogu geystay dalka Zambia, dadka u hadlay beesha ayaa eedeyn culus u jeediyey safaaradda Soomaaliyeed ee dalkaas.

Waxgaradka beesha Habargidir ayaa maanta shirkaan wax iskaga weydiiyey waxyaabaha sababay in si gaar ah dadkooda looga soo tarxiilo dalka Zambia.

Suldaan Guutaale Axmed oo ka mid ahaa ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Zambia, sidoo kalena ahaa guddoomiyaha jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas oo lasoo tarxiilay ayaa maanta ka soo qeyb galay shirka ay isugu yimaadeen waxgaradka beesha Habargidir.

“Meesha waxaa ka jira hab qabiil oo abaabulan oo xiriir la leh hey’’adaha meesha ka jira, dowladda Soomaaliya ayaa wax ka qaban karta, hadii ay la xiriirto dowladda Zambia oo dadkeena loo adeegsanayo, ayuu yiri Suldaan Guutaale Axmed oo laga soo tarxiilay dalka Zambia.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Anigu waxaan ahay nin idinka dhashay oo la soo tarxiilay, kuwo aniga iga horeeyey oo idinka dhashay ayaa sidaan oo kale loo galay ee go’aan qaata.”

Odayaasha kale ee shirkaas markii uu soo dhamaaday warbaahinta la hadlay waxay si cad u sheegeen in beesha Majeerteen oo heysata safaaradda Soomaaliya ee dalka Zambia ay dadka ka soo jeeda Habargidir u geysaneyso tarxiilkaan.

“Safaaradda Soomaaliya madaxda dowladeena u joogta ayaa naloo adeegsanayaan, safaaradaas dhamaan dadka jooga hala bedelo, meeshaas waa quruntay, in la xaaqo waaye dadka dowladda u jooga,” ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha hadlay.

Wasiirkii hore ee warfaafinta Galmudug Axmed Falagle oo kulankaas ka hadlay ayaa yiri, “Anagu ma calaacalno, hadda ayaan ugu adagnahay intaan soo joognay adduunkaan, hadda ayaan guddi qabaneynaa, waana la aadayaa Zambia.”

Hoos ka daawo war-saxaafadeed shan qodob ah oo laga soo saaray shirkii maanta ee beesha Habargidir

The post Daawo: Habargidir oo ka cabaneysa Majeerteen oo soo saartay 5 qodob oo xasaasi ah appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this