Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo malaayiin dollar ku raadinaya hoggaamiye khatar badan oo Shabaab ah

Recommended Posts

Deeq A.   
Al-Shabab-Al-Shabaab.jpeg?fit=960%2C580&

Washington (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka qaybta bixinta abaalmarinta cadaaladda loogu raadinayo dadka ay beegsadaan kooxaha xagjirka ah ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin dhan $5 milyan.

Lacagtaan waxaa la siinayaa qofkii bixiya macluumaad horseeda in la aqoonsado, meelna lagu hubsado mid ka mid ah hoggaamiyayaasha al-Shabaab oo lagu magacaabo Abuukar Cali Aadan.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka ayaa sheegtay in Abuukar Cali Aadan uu yahay ku xigeenka hoggaamiyaha guud ee Khawaarijta al-Shabaab.

Sannado badan wuxuu ninkaani soo ahaa madaxa milariga ee kooxda al-Shabaab iyo madaxa Jabhadaha oo ah dagaalyahanada weerarrada tooska ah fuliya.

Bishiin Jannaayo ee sannadkii 2018-kii, ayaa Wasaarada Arrimaha Dibeddu ay Abuukar Cali Aadan ku daray liiska argagixisada.

Maraykanku waxaa sidoo kale uu sannadkii hore kordhiyey lacagaha abaalmarinta ah ee lagu doonayo labada hoggaamiye ee kale Axmed Diiriye oo ah hoggaamiyaha guud ee kooxda iyo Mahad Karate oo ah nin khatar badan.

Maraykanka ayaa sheegay midkiiba inuu ku bixinayo $10 milyan oo dollar, lacagtaas waxaa la siinaya qof kasta oo macluumaad dhameystiran ka keena xubnahaas.

Sannadkii 2008 ayuu Maraykanku uu kooxda Al-Shabaab u aqoonsaday inay yihiin urur aragagixiso oo halis ku ah xasiloonida caalamka.

The post Mareykanka oo malaayiin dollar ku raadinaya hoggaamiye khatar badan oo Shabaab ah appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this