Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxii ugu sareeyay Shabaab-ka GALCAD oo isku soo dhiibay dowladda + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
391648884_793013309531944_50803117466883

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Horjooge Mahad Aw Cismaan Sabriye ayaa maanta isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka iyo kuwa difaaca deegaanka ee gobolka Galgaduud.

Ninkan ayay dowladda sheegtay inuu ahaa Madixii Jabhadaha Al-Shabaab ee qaabilsanaa degmada Galcad, deeganada Budbud, Cowsweyne iyo Masagawaa.

Horjoogaha isa soo dhiibay ayaa sidoo kale waxa uu ahaa Shabaab-kii ugu sareeyay kooxda ee dhibaatada ku haysay shacabka Ceeldheer iyo Galcad, sida uu warbaahinta dowladda u sheegay Hagar Barre oo ah hoggaamiyaha Macawiisleyda ka howl-gasha degaanada hoostaga degmada Galcad.

“Ninkaan wuxuu ahaa shaqsigii ugu sareeyey maleeshiyaadka Khawaarijta ee dhibka badan ku haysay shacabka dega degmooyinka Ceeldheer iyo Galcad,” ayuu yiri Hagar Barre.

Galcad ayaa kamid ah degmooyinka muhiimka ah ee gulufka socda ay ciidamada dowladda iyo shacabka hubeysan uga xoreeyeen kooxda Al-Shabaab oo sanado badan gacanta ku haysay.

Gobollada dhexe ayaa waxaa haatan ka socda howl-gallo culus oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deeganaka oo garab ka helaya saaxiibada caalamiga ah, kuwaasi oo lagu laayay Shabaab badan.

Wejiga koowaad ee dagaalka oo haatan geba-gebo ah ayaa lagu xoreeyay deegaano iyo degmooyin muhiim ah oo sanado badan gacanta ku haysay kooxda, waxaana looga dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad badan.

Kooxda Al-Shabaab ayaa kasii baxaysa inta badan gobolka Mudug, waxaana la aaminsan yahay in haddii ay Mudug kasoo dhamaadan in aanay ku hakan karin Galgaduud oo ay ku go’doomi doonaan.

391648884_793013309531944_50803117466883

391653533_793013386198603_60683731105408

393272224_793013419531933_14793526076337

392952302_793013446198597_19828492971896

393272189_793013469531928_52892076781550

The post Madaxii ugu sareeyay Shabaab-ka GALCAD oo isku soo dhiibay dowladda + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this