Deeq A. Posted October 17, 2023 Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta waxa uu xilka ka qaaday wasiirkii wasaaradda horumarinta reer miyiga Axmed Aadan Jaamac. Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa sidoo kale waxaa wasaaradda horumarinta reer miyiga loogu magacaabay wasiir cusub. Madaxweyne Biixi ayaa Raabbi Cabdi Maxamed Maxamuud u magacaabay in uu noqda wasiirka wasaaradda horumarinta reer miyiga Somaliland. Wareegtada ka soo baxday Madaxtooyada Somaliland lagu xusin sababta rasmiga ee xilka looga qaaday Wasiir Jaamac, balse waxaa lagu xusay xilka qaadistiisa in ay tahay sunnada Siyaasadda Hoos ka aqriso wareegtada madaxweynaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne uu xilkii kaga qaaday wasiirkii Wasaaradda Horumarinta Reer Miyiga kuna magacaabay wasiir cusub. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Ujeeddo: Xil Ka-qaadis. Ku: Axmed Aadan Jaamac; Wasiirkii Wasaaradda Horumarinta Reer Miyiga Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo igmado hadba ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad hore u haysay ee Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Reer Miyiga Jamhuuriyadda Somaliland. Geesta kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa wareegto madaxweyne ku magacaabay wasiir Cusub. Waxaanay u dhignayd sidan:- Ujeeddo: Magacaabid. Wareegto Madaxweyne Magacaabid Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad; Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waaya-aragnimadiisa; Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan; Markaan Sameeyey: La-tashi; Waxaan Go’aamiyey; In Raabbi Cabdi Maxamed Maxamuud laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Reer Miyiga Jamhuuriyadda Somaliland. ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.The post Madaxweyne Muuse BIIXI oo magacaabay wasiir cusub appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites