Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Xamza oo maanta la kulmay ganacsatada + Ujeedka

Recommended Posts

Deeq A.   
393634922_683805530515263_18438054700718

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta ganacsatada Soomaaliyeed la yeeshay kulan ku aaddan doorka ay ku leeyihiin jiheynta dowladnimada casriga ah ee Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in hay’adaha dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay ay isla-jaanqaadaan, si wadajir loogu xaqiijiyo hiigsiga fog ee horumarka dalka.

“Dowladdeennu waxay diiradda saareysaa sidii ay u abuuri lahayd jawi ay ku bullaallaan ganacsiyada gaarka loo leeyahay, halkaas oo hal abuurrada ganacsiga lagu dhiirrigeliyo, ayna ku kobcaan maalgashiyada dibadeed iyo kuwa guduhuba,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Mudane Xamza ayaa u sheegay madaxda iyo milkiilayaasha ganacsiyada gaarka loo leeyahay, baahida loo qabo in la sameeyo isbeddel dhan walbo ah, si isbeddelkaas looga mirro dhaliyana ay lagama maarmaan tahay in la helo ka go’naansho bulsho.

Waxuu kula dardaarmay ra’iisul wasaaruhu ganacsatada in ay kaalintooda ka qaataan amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada ee u baahan in wadajir wax looga qabto.

Xamza ayaa dhawaan sheegay in soddonkii sano ee ay Soomaaliya ku jirtay colaadaha iyo dowlad burburka ay adduunyadu ku tallaabsatay horumarro iyo isbeddello dunida wax ku soo biiriyey, sidaas darteed loo baahan yahay in la xaqiijiyo.

“Soddonkii sano ee aan adduunka ka maqnayn anagoo ah dowlad shaqeynaysa, waa soddonkii sano ee tiknoolajiyaddu soo biirtay, dowladuhuna ay horumarka gaareen, marka si aan u gaarno dunida waa in aan sameynaa dadaal ka badan kii hore.” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza.

Mudane Xamza oo markaas ka hadlayay shir looga hadlayay Hannaanka Jiheynta Dowladnimada Casriga ah ee Soomaaliya ayaa waxa uu tilmaamay in lagama maarmaan tahay in loo shaqeeyo si ka duwan, kana dadaal badan sidii hore, si dalkeennu u xaqiijiyo kuwa lamid horumarrada caalamka.

“Marka aad fiiriso Turkiga oo kale oo aan saaxiibo nahay soddan sano kahor halkee ayay joogeen, maantana halkee ayay joogeen, dowlad kasta bal fiiri halka ay soddan sano kahor joogtay iyo halka ay maanta joogto, waxay ku tusineysa in aad nalooga tagay.”

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaa la rabaa in aan xawaare dheereynaya ku dhaqaaqno, marka maadaama aan rabno in aan gaarno (waddamada kale) waa in intay socdaan in ka badan aan socono. Waxaa ii cadaatay in hayaankaas u dhaqaaqi karin haddii sidii caadiga aheyn u socono.”

393590791_683805237181959_62344676136489

393634922_683805530515263_18438054700718

393720803_683805323848617_55610941035648

393690184_683805403848609_79008472780218

393595503_683805293848620_50017007276558

393643550_683805513848598_65337125221209

393599176_683805580515258_70911733637257

393606206_683805450515271_88313098562984

393602309_683805350515281_34686036466190

393605585_683805370515279_29048544661885

393620689_683805283848621_66155140471186

393652452_683805553848594_33923479571045

393592986_683805267181956_36139118511145

393598839_683805493848600_70535904018402

393716408_683805243848625_42287651914121

393646770_683805420515274_79738648846433

393725574_683805473848602_65355976337227

393689401_683805313848618_34011713691021

393599434_683805383848611_34298114059057

The post Sawirro: Xamza oo maanta la kulmay ganacsatada + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this