Sign in to follow this  
Deeq A.

Damaca Khaatumo oo furre u noqon kara dooddaha Banaadir iyo Hiiraan

Recommended Posts

Deeq A.   
387853935_747022904135518_73272400389910

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo ayaa maalmihii dambe ku sugna magaalada Muqdisho. Wuxuu la kulmay madaxda sare ee dowladda federaalka.

Dagaalkii ka dhacay Laascaanood wuxuu dhaliyay laba aragti, mid waa inay jirto fursad lagu sii ilaalin karo midnimada Soomaaliya, midna waa inay dadka deegaankaasi doonayaan in ay noqdaan maamul goboleed ka madax banaan Somaliland iyo Puntland labadaba.

Tan iyo markii hoggaamiyaha Khaatumo uu yimid magaalada Muqdisho waxaa xoogeystay wararka la xiriira raadinta inay noqdaan maamul gaar u taagan oo aqoonsi ka haynta dowladda dhexe ee Soomaaliya, taasi oo u baahan ogolanasho xukuumadeed iyo mid baarlamaan.

Kahor dagaalkii Laascaanood ayay dhowr jeer muujiyeen inay u baahan yihiin in ay noqdaan maamul goboleed gaar ah.

Si lamid ah Khaatumo, waxaa iyaguna waqtiyo kala duwan muujiyay sida ay u rabaan inay noqdaan maamul goboleed gaar ah Banaadir iyo Hiiraan.

Dowladdii Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa Hiiraan ka dhigtay laba gobol. Waxaa jiray waqti fog kooxo u ololeeya dhismaha Banaadir State iyo Hiiraan State, kuwaasi oo kala jooga gudaha iyo dibadda.

Madaxdii iskaga dambeysay Villa Somalia ayaa dhowr jeer la horgeeyay labadaasi mashruuc, laakiin hoos ayay iskaga dhigeen. Marka laga hadlayo magaalada Muqdisho waxaa lagu ballamay in maqaamka Caasimadda lagu qeexo Dastuurka loo diyaarinayo dalka.

Laakiin ra’yi arruurin uu maamulka gobolka Banaadir ka sameeyay dhowr boqol kun oo qof oo kamid ah shacabka Caasimada daba-yaaqada sanadkii 2017 ayaa muujisay inay dadkeedu rabaan in Muqdisho noqoto caasimad ku dhex taalla maamul goboleed la yiraahdo Banaadir.

Muqdisho oo dadkeeda lagu sheego tiro afar milyan ka badan ayaa wax metalaad ah ku laheyn labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, laakiin midaasi waxaa dadkeeda uga muhiimsan inay noqoto maamul goboleed gaar ah oo u madax-banaan amni ahaan iyo dhaqaale ahaan.

Hiiraan State waa dood kale oo iyaduna soo taxneed illaa 2010 xilligaas oo uu xukunka hayay madaxweyne Shariif Sheekh Axmed. Magaalada Beledweyne oo xarun u ah Hiiraan waxay ku jirtaa lixda magaalo ee maanta ugu dadka badan Soomaaliya.

Dadka reer Hiiraan inkasta oo dhexdood waxyaabo badan isku diidan yihiin haddana aragtida ah inay noqdaan maamul goboleed gaar ah ayaa dhexdooda ka ah fikir caafimaad qaba.

Doodda Hiiraan State ayaa dhawaan la hordhigay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud mar uu tegay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan. Balse madaxweynaha ayaa la sheegay inuu dalbaday in doodaha siyaasadda dib loogu dhigo oo taas lagu xurmeeyo, lagana wada-hadlo dagaalka oo kaliya.

Imaatinka hoggaamiyaha Khaatumo iyo damacooda maamul doonka ah ayay dad badan qabaan inay dib usoo cusbooneysiin doonto damaca reer Hiiraan iyo midka reer Banaadir ee waqtiga fog lagu raadinayo maamullada gaarka ah.

Waxaa dowladda dhexe ee Soomaaliya hortaalla inay kiisaskan isku il ku fiiriso maadaama saddexdaba ay waqti fog soo taagnayeen.

The post Damaca Khaatumo oo furre u noqon kara dooddaha Banaadir iyo Hiiraan appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this