Sign in to follow this  
Deeq A.

DF Soomaaliya iyo dalalka Carabta oo yeelanaya iskaashi nooc cusub ah

Recommended Posts

Deeq A.   
393638425_792435112923097_90748245677663

Baqdaad (Caasimada Online) – Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Macallim Maxamuud ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay shirka golaha cadaaladda ururka Jaamacadda Carabta ee ka furmay magaalada Baqdaad ee caasimadda dalka Ciraaq.

Wasiir Xasan Macallim ayaa caddeeyay in dowladda Soomaaliyeed ay diyaar u tahay in iskaashi Garsoor iyo Cadaaladeed ay la yeelato wadamada Jaamacada Carabta.

Waxa uu dowladda Ciraaq uga mahad-celiyay marti-gelinta shirka, isaga oo qiray in dowladda Soomaaliyeed ay garab taagantahay Qadiyada Falastiin ayna ka xun tahay ciqaab wadareedka iyo barakicinta lagu haayo shacabka Gaza.

Wasiirka ayaa sidoo kale khudbadiisa ku sheegay guulaha waaweyn ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka gaareen dagaalka Khawaarijta, ee ka socda dalka.

Waxa uu si gaar ah u carabaabay in deegaanno badan oo laga xoreeyay kooxaha argagixisada la gaarsiiyay adeegya garsoor iyo cadaaladeed, wuxuuna dhammaan wadamada uga mahad-celiyay taageeradooda buuxda ee ay la garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Wasiir Xuseen Macallim iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maalmo kahor Baqdaad u tegay ka qeyb-galka meertada 39-aad ee golaha Cadaaladda ururka Jaamacadda Carabta.

Shirka golaha cadaaladda ururka Jaamacadda Carabta ayaa kalkan diirada lagu saaraya arrimo muhiim u ah ururka Jaamacadda Carabta iyo Caalamka, oo ay kamid tahay la-dagaalanka argagaxisada iyo horumarinta cadaaladda iyo garsoorka.

Wasiirka Cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka ayaa inta uu Ciraaq u joogo shirka wuxuu kulamo doceedyo la qaadanayaa wasiirrada dhigiisa ah ee shirka ka qeyb-gelaya.

The post DF Soomaaliya iyo dalalka Carabta oo yeelanaya iskaashi nooc cusub ah appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this