Sign in to follow this  
Deeq A.

Itoobiya oo Dib u Bilowday Damaceeda Xeebta Saylac oo Ingiriisku u Diiday 78 Sanno ka Hor Iyo …..

Recommended Posts

Deeq A.   

Itoobiya oo Dib u Bilowday Damaceeda Xeebta Saylac oo Ingiriisku u Diiday 78 Sanno ka Hor Iyo Somaliland oo aan Ogolaan Doonin Dhagaraha Abiy Ahmed

Hargeysa(Qaran)- Dawladda Itoobiya waxa ay bilowday damaceeda dekadda Saylac xilli laga joogo 78 sanno, wakhtigaasi oo dawladdii Itoobiya ka dalbatay gumaystihii Ingiriiska inuu siiyo dekedda Saylac oo ay u arkaysay inay u tahay marin istiraataji ah oo ahmiyad weyn ugu fadhiya dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanba.

Itoobiya waxay dalabkeedaas dekedda Saylac ay Ingiriiska oo xukumi jiray Somaliland u gudbisay codsi markii uu wakhtigu ahaa sannadkii 1945kii, waxaanay sheegtay inay Somaliland kaga bedelllenn doonto deegaanka Soomaalida Itoobiya hadii la siiyo dekedda magaalada Saylac.

Dalabkaas oo Itoobiya aad uga go’naa iyadoo weliba xiligaas lahayd dekedda Asmara ee Eriteria oo ka mid ahaan jirtay Itoobiya, waxa ganafka ku dhuftay oo diiday Dawladda Ingiriiska oo Itoobiya ku wargelisay inay damaceeda ka saarto dekedda Saylac oo ay ku taamaysay muddo aad u dheer.

Sidaas darteed, Itoobiya waxay dib mar kale hanqalka ula soo kacday tan iyo markii uu sannadkii 2018 awooda dalkaas la wareegay Abiy Ahmed oo ah nin wuxuun hungureeyay aan ka fiirsan dhibka arinkani ka iman kara xilli ay Jamhuuriyadda Somaliland xor tahay oo ay ummaddeedu gacanta ku hayaan aayo ka tashigooda, waxana aad moodaa in uu abi Axmed riyoonaayo

Itoobiya sidoo kale waxa samaysatay ciidan baddeed iyadoo aan lahayn, waxase qorshaheeda dhow iyo keeda fog labadaba ku jira inay bad iyo deked hesho.

Ra’iisul-wasaare Abiy Ahmed wuxuu laba jeer ka hadlay sida ay lagama maarmaanka u tahay in Itoobiya hesho deked, wuxuuna baarlamaanka dalkiisa ka hor sheegay in xoog iyo xeeladba uu dul-dhigayo sidii uu u fulin lahaa qorshihiisaas.

Mr. Abiy waxa ka mid ahayd meelaha uu soo hadal qaaday xeebta Saylac ee Galbeedka Jamhuuriyadda Somaliland.

Isagoo sii watay hadalkiisa wuxuu yidhi “Suurtogal maaha in Itoobiya oo dadkeedu 2030ka gaadhayo 150 Milyan oo qof inaynu ku noollaano dhul juquraafi ahaan ka dhigan xabsi oo aan bad lahayn.”

Arrintaas oo ah mid halisteeda leh oo looga baahan yahay xukuumadda Somaliland inay ka feejignaato, isku dayga damacaas taariikhiga ah ee ay muddada dheer Itoobiya indhaha ku haysay magaalo xeebeeda Saylac.

Faysal Rooble oo ka mid ah dadka lafo-gura Arrimaha Itoobiya, ayaa sheegay oo yidhi “Dadkan yaa wax u sheega Itoobiya ma doonayso deked ay maalgashato ama laga kireeyo ee waxay rabtaa deked ay iyadu leedahay. Markaa ninkii deked siinayow adiga ayey ku jirtaa.”

Faysal Rooble wuxuu hadalkan ugu jawaabayey Xildhibaan Maxamed Abiib oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland, lagana soo doorto gobolka Awdal oo sheegay in uu soo dhaweynayo in Itoobiya maalgashato dekedda Saylac, haddii ay sifo sharci ah ku rabto inkasta oo hadalkiisa uu ku daray khatarta ay leedahay oo uu ka dhawaajiyay.

Ugu dambayn, waxa Somaliland la gudboon inay ul dheer iskaga leexiso damaca Itoobiya oo haddii ay doonayso deked horeba ay Somaliland saami dhan Boqolkiiba 19 uga siisay dekedda Berbera oo ay casriyaynayso shirkadda DP WORLD ee laga leeyahay dalka imaaraadka Carabtu, sidoo kake waxa ay waxkala soo degtaa dekada dalka Djibouti

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this