Sign in to follow this  
Deeq A.

Xuska Maalinta Cuntada Adduunka oo Laga Xusay Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Xuska Maalinta Cuntada Adduunka oo Laga Xusay Somaliland

Hargeysa(Qaran news)-Maalinta Cuntada Adduunka oo ku beegan 16 Bisha October, ayaa maanta Xaflad loogu sameeyay Magaalada Berbera ee Xarunta Gobalka Saaxil.
Xaflad oo ay kasoo qayb galeen Wasiirka Wasaarada beeraha, masuuliyiin ka socday hay’adaha dawladda ee kala duwan safiir ku xigeenka safaarada Taiwan ee Somaliland iyo maamulka gobolka iyo degmada ee magaalada Berbera.
Qaar ka mida beeralayda dalka oo halkaas hadalo la xidhiidha xaflada maalinta cuntada aduunka halkaasi kasoo jeediyay ayaa bulshada Somaliland ku booriyay in ay xoojiyaan tacabka beeraha si looga maarmo cunatda dalka dibada uga timaada.

Agaasimaha guud ee wasaaradda beeraha Somliland oo halkaas ka hadlay ayaa ku dheeraaday qiimaha maalinta iyo ujeeddooyinka laga leeyahay in la xuso taasoo looga gol leeyahay in dadkeennu ay wax beertaan oo wax soo saarka la kordhiyo.
Gudoomiyaha gobolka saaxil iyo duqa magaalada Berbera oo halkaasi iyaguna ka hadlay ayaa soo dhaweeyay beerlayada tacabkooda maanta soo bandhigay iyagoo beeralayda dalka oo dhan ugu baaqay in ay laban laabaan wax soo saarkooda.

Safiir ku xigeenka safaaraada dalka Taiwan ee Somaliland iyo marti kale oo ka soo qayb gashay ayaa dhankooda bogaadiyay beerlayda dalka iyagoo ugu baaqay in ay ku dedaalaan wax soosaarka.
Wasiirka wasaaradda beeraha iyo Wasiir ku xigeenka wasaardaasi oo ka hadlay xaflada ayaa ka waramay in siyaasadda madaxweynaha qaranku in ay farayso bulshada Somaliland in la xoojiyo wax soosaarka tacabka beeraha, si looga baaqsado ku tiirsanaanta baahida cuntada ee dibadda , waxaanay u hambaleyeeyeen beeralada wax soosaarkooda maanta ku soo bandhigay xafladaasi.

IMG-20231016-WA0006.jpg

IMG-20231016-WA0005.jpg

IMG-20231016-WA0004.jpg

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this