Sign in to follow this  
Cowke

Jangeli: Columbus Banquet Dinner

Recommended Posts

Cowke   

CIMG0206.JPG

 

CIMG0231.JPG

 

CIMG0234.JPG

 

 

Xaflad heer sare ah oo ay jaaliyadaha ssc ee Columbus Ohio u qabteen Wasiirka Arimaha Dibadda ee soomaaliya mudane cali ahmed jama jangali ayaa lagu qabtay habeenkii khamiistii magaalada columbus Ohio halkaasoo si wayn loogu soo dhaweeyey wasiir jangali iyo marwadiisa.

 

Xafladdan oo ay ka soo qayb galeen shacabwaynaha ssc ee columbus ohio oo isugu jira culimaa u diinka,aqoon yahano,indheer garad,saraakiil,hooyooyin iyo gebi ahaanba bulshada noocayadeeda kala duwan.ayaa ahayd xaflad loogu talo galay casho sharaf loo sameeyey wasiirka arimaha dibadda iyo marwadiisa oo aad loo habeeyey.

 

Wasiirka oo ka jeediyey qudbad dheer xafladda ayaa wuxuu kaga waramay xaaladda dalka soomaaliya marayso iyo siyaasadda Dawladda fadaraalka,iyo arimo badan,wuxuu kaloo wasiirku qeexay inay tahay dawladiisu tahay dawlad ku meel gaar ah.dawladuna qorshaynayso in Dawlad dimoqraadiy ah oo aan ka madhnayn hadana nimaadka islaamiga ah la samayn doono mustaqbalka,hase ahaatee loobaahan yahay in dalka nabad lagu soo dabaalo.

Mudane jangali ayaa sheegay in Dawladiisu ay ku shaqayn doonto meel kasta oo nabad ah oo ka tirsan gobolada soomaaliya mar uu ka hadleyey hay adaha dawliga ah inay ka shaqayn doonaan gobolada nabadda ah hadii loo baahdo.

 

Wasiirka oo ka hadlay doorka qurba joogta soomaaliyeed ayaa sheegay in madaxweyne shariif iyo wasiirka arimaha dibadda Clinton ay nairobi si qoto dheer arintaas uga wada hadleen,isagoo ku micneeyey mid loo baahan yahay inay qurba joogto doorkeeda ka qaataan,ayna ka caawiyaan arimaha bulshada sida caafimaadka iyo waxbarashada,isla markaana ay dawlada maraykanku kabidoonto caawimadda qurba joogtu dirayso.

 

Mar uu wasiirku xusay shirka ka socda Magaalada nairobi ee ay leedahay beelwaynta *********** ayuu sheegay in loo baahan yahay beelaha ssc in ay midnimo layimaadaan meel kastoo ay joogaan isagoo ku dhiir galiyey in shirku uu noqdo mid guulaysta oo aan keenin kala qayb sanaan isagoo umahad celiyey qaban qaabiyayaashii shirka Nairobi.

 

wasiirka oo ku dheeraaday topic beelaha ssc ayaa sheegay inanaanay soomaaliya kala go ayn, wax kala go la yidhaahdana aanu jirin taasoo kolkuu wasiirku hadlayey ay ka muuqatay kalsooni wayn.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this