Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii u danbeeyay ee qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1697485414711.jpg?resize=720%2C72

Wararka ka imanaya magaalada Muqdishu ayaa sheegaya in uu halkaas caawa ka dhacay qarax ismiidaamin ah.

Qof isku soo xiray walxaha Qarxa ayaa la sheegay in uu isku qarxiyay banaanka Maqaayada Blue Sky ee magaalada Muqdisho.

Maqaayadda ayaa ku taala meel u dhow Taalada Xaawa Taako iyo xarunta Tiyaatarka qaranka waana bar Koontarool oo laga ilaaliyo Madaxtooyada qaranka.

Khasaare xooggan dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay qaraxa inkastoo aan weli faahfaahin sugan laga helin

Wararka ayaa sheegaya in qaraxaas ay ku dhinteen agaasimihii Telefishinka SomaliCable, Cabdifitaax Macallin Nuur iyo dad kale oo rayid u badan.

PUNTLAND POST

The post Wararkii u danbeeyay ee qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this