Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxamed Abiib oo soo dhaweeyay damaca Itoobiya ee dekedda Saylac

Recommended Posts

Deeq A.   
xildhibaan-maxamed-abiib-somaliland.png?

Hargeysa (Caasimada Online) – Xildhibaanka Maxamed Abiib oo kamid ah xubnaha golaha wakiilada maamulka Somaliland ayaa ka hadlay arrimo ku aadan dekedda Saylac oo la sheegay inay dooneyso dowladda Itoobiya, si ay u maalgashato dekeddaasi.

Abiib ayaa shaaca ka qaaday inuu soo dhaweynayo in dekeddaasi lasiiyo Itoobiya, si ay u maalgashato, kadibna faa’iido uga hesho Somaliland.

Xildhibaanka ayaa ku dooday in Itoobiya aysan wadan xoog, balseay  sifo sharci ah ku rabto dekedda Saylac, sidaas daraadeedna loo baahanyahay in heshiis lala galo.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in marka la ballaariyo dekeddaha, maalgashiguna bato ay dan ugu jirtay reer Somaliland, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxan aaminsanahay in ay sifo sharci ah ku doonayaan, meeshan aynu ku noolnahay waad ogtihiin dhibaatada duruufta dadkeena haysata, dekeda Berbera maahee 20 dekedood oo kale in la sameeyaana dadka reer Somaliland ayay dan u tahay” ayuu yiri.

Xildhibaan Maxamed Abiib oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in ujeedka uusan aheyn in dekedda ay wada qaadaneyso Itoobiya, balse ay tahay maalgelin uun, si lamid ah Imaaraadka Carabta oo isagu gacanta ku haya dekedda weyn ee magaalada Berbera.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan Itoobiya ay raadineyso deked ay maalgashato, maadaama aysan laheyn bad, si halkaas wax ugala soo degto.

Ra’iisul wasaare Abiy Axmed oo arrintan ka hadlay ayaa sheegay in ciddii deked siisa ay maalgashadaan, u ogolyihiin in ay 20-30% dhaqaalaha Shirkada Diyaaradaha Itoobiya ama biyo xidheenka Abay ay siin doonaan sannadkasta, taasi ay noqon doonto fursad kale.

The post Maxamed Abiib oo soo dhaweeyay damaca Itoobiya ee dekedda Saylac appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this