Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Gaashaandhiga oo Shaaciyay in Xukuumadda oo kaliyi ay Go’aamin Karto Mustaqbalka Saylac

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Gaashaandhiga oo Shaaciyay in Xukuumadda oo kaliyi ay Go’aamin Karto Mustaqbalka Saylac
fariid-1.jpg
Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye, ayaa sheegay magaalada Saylac ay ka tirsan tahay Jamhuuriyadda Somaliland oo ah cidda ee go’aamin karta mustaqbalkeeda.

Wasiir Caateeye wuxuu sidaas ku sheegay qoraal uu ku baayay Twitterka, isagoo la sawiran sarkaal sare oo ka tirsan deegaanka Soomaalida Itoobiya, waxaanu qoraalkiisu u qornaa sidan:-

“Saylac waa qayb Somaliland ka mid ah, oo aanan ka maarmin.

Wax wada qabsigeedana waxa go’aamin kara dawladda oo keliya.”

“Xisbiga PP ee Itoobiya V.P H.E. Aniga iyo Aadan Faarax waxaanu ka tirsan nahay isla beesha degta Somaliland ee Gobolka Saylac, Jabuuti iyo Itoobiya. Intaa waxaa dheer xiligani , dekedda Berbera waxay u adeegtaa Itoobiya oo isticmaashaa.”

Itoobiya ma aha oo kaliya in ay rabto deked ay wax kala soo degto ama ka dhoofiso ee waxa ay rabtaa deked aanay waligeed ka tagin oo ay joogi doonaan ciidankeeda bada ee ay samaysan doonto oo saldhig u noqon doonta.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this