Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan oo Hey’adaha Dowladda Ugu Baaqay Iney Xoogga Saaraan Dagaalka Al-shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad dhinacyo badan taabaneyso ka jeediyey shirka khibrad & aqoon Is-weydaarsiga Istaraatijiyadeed ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda ayaa tilmaamay ahmiyadda ay leedahay Hannaanka Jiheynta Dowladnimada Casriga ah ee Soomaaliya si looga heshiiyo arrimaha aas aasiga u ah dowlad dhiskeenna.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dul istaagay qoddobadda mudnaanta leh Xukuumadda JFS ayaa hay’adaha dowladda ku adkeeyey in ay xoogga saaraan ciribtirka khawaarijta, dhameystirka dastuurka, deyn cafinta iyo sidii dalkeenna looga qaadi lahaa cuna qabateynta hubka.

Maadaxweynaha  ayaa  sheegay in kobcinta aragtiyaha toolmoon ee dowlad dhiska iyo tayeynta fahamka lagu hoggaaminayo dowladnimada casriga ah ay jaangoyn doonto sidaan uga heshiinno arrimaheenna siyaasadeed, si jiilasha soo socdo loogu horseedo dhabbo cusub oo waxtar u leh mustaqbalkooda.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this