Sign in to follow this  
Deeq A.

Qoor Qoor oo xilkii ka qaaday mid kamid ah golihiisa wasiirada

Recommended Posts

Deeq A.   
Qoor-Qoor.jpg?fit=1440%2C960&ssl=1

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo maanta wareegto soo saaray ayaa xilka qaadis ku sameeyay wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada maamulkaasi, Cabdirisaaq Maxamed Maxamud.

Wareegtada ayaa waxaa lagu sheegay in xilkan si KMG ah usii heyn doono wasiiru dowlaha wasaaraddaasi, Mudane  Liibaan Cabdi Maxamed.

“Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa xilka ka qaaday Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Dowladda Galmudug Cabdirisaaq Maxamed Maxamud. Madaxweynaha ayaa faray Wasiiru-Dowlaha Wasaarada Gaadiidka Iyo Duulista Hawada Liibaan Cabdi Maxamed in uu sii wado howlaha wasaaradda” ayaa lagu yiri.

Laguma caddeyn qoraalka sababta rasmiga ah ee xilka looga qaaday Cabdirisaaq Maxamed Maxamud oo ahaa wasiirkii wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ee Galmudug.

Si doo kale ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay dhanka wasiirka la cariyay oo ku aadan xilka qaadista deg-degga ah maanta lagu sameeyay.

Maalmo kahor ayey ahayd markii uu madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Ciid uu xilkii ka qaaday wasiirka arrimaha gudaha maamulkaasi, Cabdi Waayeel taas oo dhalisay khilaaf xoogan oo soo kala dhex-galay isaga iyo madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor).

Khilaafka ayaa yimid, kadib markii uu Qoor Qoor buriyay xilka qaadista madaxweyne ku xigeenka, balse mar dambe ayaa heshiis laga gaaray khilaafkaas, waxaana dadaallo sameeyay madaxweynaha Soomaaliya oo markaas ku sugnaa magaalada Dhuusamareeb.

Si kastaba, xilka qaadistan ayaa kusoo aaday, xilli uu hadda Galmudug ka socdo dagaal culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo ay guulo ka soo hoyeen ciidamada Soomaaliya.

The post Qoor Qoor oo xilkii ka qaaday mid kamid ah golihiisa wasiirada appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this