Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Xasan ‘oo dul istaagay’ hanaanka dib usoo celinta ciidankii jiray Eritrea

Recommended Posts

Deeq A.   
392744957_749250357246106_52404051762907

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray xarunta ciidamada cirka ee xoogga dalka Soomaaliyeed, halkaasi oo ay ka socoto dib u soo celinta ciidamadeenna tababarka ugu maqnaa dalka Eritrea.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dul istaagay hannaanka dib u soo celinta ciidamada ayaa la dardaarmay cutubyo maanta dib u soo laabtay.

Waxa uu la wadaagay ciidanka rajada iyo hamiga shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan in ay ka qeyb-qaataan cirib-tirka Khawaarijta Al-Shabaab, isaga oo ku bogaadiyey taliska ciidamada xoogga dalka sida ay u fulinayaan qorshaha qaran ee tayeynta iyo dib u habeynta ciidamada xoogga dalka.

Ciidamada dib ugu soo laabtay dalkooda ayaa ka kooban dhulka, cirka iyo badda, waxayna isugu jiraan qaar sannado badan ku maqnaa Eritrea iyo cutubyo sannadkan bilowgiisa la diray.

Ciidamadan ayaa soo dhammeystirtay tababarkooda, si deg-deg ahna dalkooda loogu soo celiyey, taas oo meesha ka saartay duruufo badan oo soo food saari jiray dhallinyarada u istaagay diifaca dalkooda, culeysna ku ahayd waalidkii ay ka tageen iyo qarankoodaba.

Cutubyadan soo noqoshadooda uu la kulmay madaxweynuhu ayaa dhankooda soo bandhigay tayada iyo tababarka adag ee ay soo qaateen, intii ay ku sugnaayeen dalka Eritrea.

Sidoo kale waxay muujiyeen farxaddooda ku aaddan in loo sii diyaariyey xarummihii ciidan ee ay lahaayeen, saaxiibadii ka soo horeeyey ee dalka soo gaarnay ay ka soo laabteen fasaxyadii, haatanna ay u diyaarsan yihiin gulufkii xoreynta dalka.

393392442_749250427246099_69748924544185

393404172_749249173912891_12484377874452

393454064_749250340579441_58576774226998

393393170_749250260579449_40996195790064

393369495_749250400579435_60182136850506

393393752_749250203912788_32634467324183

393445468_749250453912763_74838290166446

393466014_749250273912781_57886906474128

392744957_749250357246106_52404051762907

393399283_749250230579452_61568902939012

392748198_749250300579445_55663773604149

393445382_749250383912770_59730237156632

392875090_749250440579431_87266195423439

393374972_749250157246126_81138108912057

393422215_749250370579438_12357844098797

393409496_749250473912761_69560448423768

392744691_749250317246110_50262028431237

The post Sawirro: Xasan ‘oo dul istaagay’ hanaanka dib usoo celinta ciidankii jiray Eritrea appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this