Sign in to follow this  
Deeq A.

CC Shakuur oo digniin kasoo saaray damaca ay Itoobiya ku rabto dekedda…

Recommended Posts

Deeq A.   
Cabdiraxmaan-Cabdishakuur.jpg?fit=2048%2

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, sidoo lalena ah ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha u qaabilsan arrimaha bani’aadanimada ayaa ka falciyay hadalka kasoo yeeray Itoobiya ee ku aadan inay xoog ama xeelad ku raadienso deked ay maalgashato.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraal kooban soo saaray ayaa shaaca ka qaaday in hadalkan aan la dheyalsan karin, isla-markaana loo baahan yahay in ka feedjignaadaan madaxda iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay dowladda federaalka in ay il-gaara ku heyso damacaasi, si looga hortego qorshaha ay rabto Itoobiyaa.

“Lama dheyalsan karo farriimaha is daba-joogga ah ee ka imaanaya madaxda dawladda Itoobiya ee ku aaddan xaq u lahaanshaha in ay Itoobiya hesho meel ay Badda Cas ka gaarto” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Hadalkan ayaa jawaab u ah warkii uu soo saaray ra’iisul wasaare Abiy Axmed oo dhowaan sheegay in ay xeebaha Saylac kamid yihiin goobaha ay rabaan inay ka helaan deked.

Sida uu Abiy sheegay ciddii deked siisa ay maalgashadaan, waxay u ogolyihiin in ay 20-30% dhaqaalaha Shirkada Diyaaradaha Itoobiya ama biyo xidheenka Abay ay siin doonaan sannadkasta.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in xoog iyo xeeladba ay isticmaali doonaan, si ay deked u helaan taasi oo uu kala kulmay dhaleecayn xoogan oo dibadda ah.

Si kastaba, lama oga sida ay arrintan ugu suurageleyso Itoobiya, balse waxaa isha lagu hayaa Somaliland oo xuduud la leh, sidoo kalena ay leeyihiin xiriir wanaagsan.

The post CC Shakuur oo digniin kasoo saaray damaca ay Itoobiya ku rabto dekedda… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this