Deeq A. Posted October 16, 2023 Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka Antony Blinken ayaa shaaciyay in dib loo furi doono Marinka Rafah ee ku yaalla xuduudda Gaza oo ay maamusho Masar. Xoghayaha ayaa sheegay in ay kala shaqaynayaan Masar, Israa’iil iyo Qaramada Midoobay, sidii gargaarka loo marin lahaa marin xuduudeedkan. Boqolaal ton oo gargaar bini’aadannimo ah oo ka kala yimi dalal kala duwan ayaa maalmahanba ku xayirnaa gacanka Siinaay ee Masar. Gaadiidka sida gurmadka bini’aadanimo ayaa ka war-sugayay heshiis dhex mara dhinacyada ay arrintani khusayso, si loo helo marin ammaan ah oo la mariyo gargaarka bini’aadanimo. PUNTLAND POST The post Dowladda Masar oo ogolaatay in ay furto Marinka Rafah appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites