Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: R/W Xamza oo ka hadlay isbeddalka ku yimid muuqaalka madaxweynaha

Recommended Posts

Deeq A.   
Xasan-Xamza.jpg?fit=2048%2C1365&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo maanta khudbad ka jeediyay kulan looga hadlayay hannaanka jiheynta dowladnimada casriga ah ee Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadlay isbeddalka ku yimid muuqaalka guud ee madaxweynaha oo isaguna ku sugnaa madasha.

Xamza ayaa shaaca ka qaaday inuu isbeddalay muuqaalka madaxweynaha, isla-markaana uu yeeshay suurad kale, sida uu u taagnaa jiidda hore ee dagaalka Al-Shabaab.

‘Arganay madaxweynaha khayr allaha siiyo xittaa suurad kale ayuu yeeshay sida uu Jiida hore iyo furinta u taagnaa” ayuu yiri Xamza Cabdi Barr.

Ra’iisul wasaaraha ayaa xusay in madaxweynuhu qaatay go’aan adag oo ku aadan dagaalka Al-Shabaab, isla-markaana uu toos u galay dagaalka ka socda dalka.

“In jiidaas iyo furinta uu madaxweynaha taagan yahay innagu ma la taaganahay, haddaa nanay xubnaha golaha wasiirada, waxayna daliil u tahay inayna saaka isku ekeyn isaga iyo annaga” ayuu mar kale yiri ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya.

Waxaa kale uu raaciyay “Intaas aynu isku ekeyn ayay micnaheedu tahay in madaxwyenuhu uu naga horreeyo, laakiin inaanu annaga dagaalka ku jirin sida uu ugu jiro si lamid ah”

Horay madaxtooyada Soomaaliya ayaa uga hadashay arrintan oo si weyn u qabsatay baraha bulshada, kadib markii lagu baahiyay sawirrada madaxweynaha oo ay timaha ku baxeen.

Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya, Cabdulqaadir Dige ayaa faahfaahin kooban ka bixiyay is bedelka ku yimid madaxweyne Xasan Sheikh, isaga  ka hadlay is barbar dhigga madaxweynaha iyo madaxada kale ee caalamka.

, “Madaxweynaha waxaa loo igmaday shaqo qaran oo adag, mas’uuliyadaha saran awgood waxaa imaan kara walwalka, iyo murugada ka dhalata awgeed is beddel ayaa ku yimaada, madaxweyneheennana waxa uu madaxda caalamka kaga duwanyahay, shaqada qaran iyo in uu muddo ku sugnaa furin dagaal muddo kabadan labo bilood”.

Sidoo kale wuxuu kusii daray  “Ciidamada xoogga dagaalka ay kula jiraan al-Shabaab, ayuu kula noolaa, deegaanno ka tirsan Galmudug iyo Hirshabelle ayuu madaxweynuhu ku tagay safarro dhulka ah, madaxweynaha shaqadiisa iyo howsha mugga weyn ee uu hayo oo kaliya ayaa ka muuqata ee waxkale majiraan,”.

Si kastaba, Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, horraantii bishii 8-aad gaaray magaalada caasimadda u ah Galmudug ee Dhuusamareb ayaa muddo laba billood ah ku sugnaa furinta dagaalka, wuxuuse haatan kusoo laabtay magaalada Muqdisho

The post Daawo: R/W Xamza oo ka hadlay isbeddalka ku yimid muuqaalka madaxweynaha appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this