Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubbaland oo toogasho ku xukuntay nin dilay hooyadiis

Recommended Posts

Deeq A.   
391612741_792182659615009_15633563080433

Kismaayo (Caasimada Online) – Maxkamadda magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa maanta xukun dil ah ku ridday eedeysane Xasan Cabdullaahi Cabdi oo 11-kii bishii 6-aad ee sanadkan 2023 magaaladaas ku dilay hooyadiis, Xaliimo Maxamed Cumar.

Marxuumadda oo aheyd 61 sano jir ayaa dilkeeda wuxuu eedeysanaha u adeegsaday toorey, sida ay horay u shaaciyeen saraakiisha laamaha ammaanka Jubbaland.

Edeysanaha ayaa sidoo kale maxkamadda kasoo muuqday isaga oo qiranaya inuu si ku talagal ah u dilay hooyadiis, taas oo ka yaabisay masuuliyiintii joogtay goobta.

Xasan ayaa intii ay socotay dacwaddiisa maxkamadda ka hor cedeeyey inuu miyir qabay oo wax xanuun ah uusan dareemeyn, markii uu Hooyadiis kula kacay falkaas.

Intaas kadib maxkamadda ayaa saaka soo saartay xukunka dil oo lagu riday Xasan Cabdullaahi Cabdi, kadib markii ay fadhiyo kala ka yeelatay kiiska ninkan oo ay si aad ah isha ugu hayeen dadka Soomaaliyeed.

“Maxkamaddu waxa ay ku xukuntay dabmiibe, Xasan Cabdullaahi Cabdi 37 sano jir ah, ina Xaliimo Maxamed Cumar ku dhashay Baardheere, deggan Kismaayo oo wakiilu dacwo u yahay Maxamed Daahir Ibraahim dil toogasho ah oo ah qisaasta marxuumad Xailiimo Maxamed Cumar 61 jir ah ina Baar Cismaan Cabdi” ayaa lagu yiri go’aanka maxkamadda.

Waxaa kale oo qoraalka lasii raaciyay ” Qodobka 434. X.C.S. qof kastaa oo sababa dhimashada qof kale waxaa lagu ciqaabayaa dil”.

Sidoo kale maxkamadda ayaa ballan qaaday in xukunka dilka ah ee lagu ridday ninkan la fulin maalmaha soo socda.

Ninkan gacan ku dhiiglaha ah waxaa horay usoo qzbtay ciidanka booliska Jubbaland, kadib markii uu geystay dilka Hooyadiis, isaga oo markaas isku dayey inuu baxsado.

Si kastaba, Kiiskan ayaa argagax ku abuuray reer Kismaayo, waxaana aad loogu faaqiday baraha bulshada ee guud ahaan Soomaalida, waxayna haatan dadku muujiyanaan inay ku faraxsan yihiin dilka lagu xukumay.

391620123_792186006281341_87903826067668391604331_792186029614672_63184994150689 391625090_792185982948010_32654185333297

 

The post Jubbaland oo toogasho ku xukuntay nin dilay hooyadiis appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this