Sign in to follow this  
Deeq A.

Cabdiweli Gaas oo Siciid Deni uga digay in uu mudda kororsi samaysto

Recommended Posts

Deeq A.   
dani-iyo-gaas-6.jpg?resize=660%2C440&ssl

Madaxweynihii hore ee Puntland Dr. Cabdiweli Gaas oo wareysi bixiyay ayaa uga digay madaxweyne Siciid Deni in uu mudda kororsi isku dayo.

Madaxweyne hore Cabdiweli Maxamed Cali ayaa ku baaqay in doorashada madaxtinimada Puntland wakhtigeeda lagu qabto islamarkaana ay ku dhacdo nidaamkii hore ee 66-da.

“Doorashadu waa in ay wakhtigeeda ku dhacdaa 8 Jan ay dhacdaa haddii ay dhaafto waxay noqon doontaa sunna xun oo la jideeyo cid kasta isticmaasho sida hadda Somaliland ka taagan” ayuu yiri Cabdiwelo Gaas.

“Waana in doorashada lagu qabto sidii lagu soo caana-maalay 66 oo ay beeluhu soo xulaan xubnaha Baarlamanka waana sida ugu sahlan oo looga badbaadi karo shiddo iyo shaqaaqo ka dhacda Puntland” ayuu sii daaciyay.

Dr. Cabdiweli Gaas ayaa sidoo kale baaq u jeediyay isimada Puntland waxaana uu ku boorriyay in ay qaataan doorkoodii samata-bixinta Puntland si looga baaqsado qalalaase amni.

PUNTLAND POST

The post Cabdiweli Gaas oo Siciid Deni uga digay in uu mudda kororsi samaysto appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this