Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog cusub oo ku saabsan arrinta NAGEEYE + Video

Recommended Posts

Deeq A.   
Nageeye.jpg?fit=614%2C346&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii maamulka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee xilka laga qaaday Prof Xasan Cumar Mahad Alle ayaa shaaciyay xog cusub oo ku aadan arrinta Abwaan Nageeye Cali Khaliif oo la sheegay in dhowaan uu ku biiray kooxda Al-Shabaab kaas oo kamid ahaa Macalimiinta Jaamacadda, sidoo kalena ahaa Abwaan caan ah oo si weyn looga yaqiinay dalka.

Prof Mahad Alle ayaa marka hore sheegay in Nageeye uu ugu yimid Jaamacadda, isaga oo bare bare ah, wuxuuna tilmaamay inuu mar mara ugu imaan jiray xafiiskiisa.

“Nageeye wuxuu ahaa dadka ii yimaada, hadda markii iigu dambeysay waxaa ii yimid isaga iyo wiil madow oo dhalinyaro ah oo uu i baraayay, sababta uu i baraayay ma xasuusto inuu shaqo u raadinayay iyo in kale ma ogi” ayuu yiri gudoomiyihii xilka laga qaaday Mahad Alle.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale intaasi kusii daray “Isaga wuxuu isaga kaa dhigaa nin qatar ahoo yacni leebal kaaga ah, aniga waxaas kuma jirin nin shaqo ayaan ahaa waa iknoor gareyn jiray , marka xiriir fiican ma laheyn aniga iyo isaga”.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in Abwaan Nageeye Cali Khaliif uu si weyn uga soo dhex muuqday jaamacadda, isla-markaana uu ka fursad badnaa macallinta kale.

“Waxyaabaha aan la yaabi jiray weligey waxay ahayd simister kasta 4 maado ugu yaraan haddii aysan ka badneyn ama 5 maado ayaa loo dhiibi jiray Macallimiinta caadiga ah saddex ma helaan 1 iyo 2 ayaa lagu tuuraa, isaga 4 maado ayuu helaa” ayuu raaciyay.

Prof Xasan Cumar Mahad Alle ayaa sidoo kale qiray in ninkan lala shaqeynayay, isla-markaana uu qaadanayay mushaar ka badan midka ay qaataan ragga kale.

“Waxaan arkay laba mushaar oo isku xigta oo uu qaatay midna $1,800, midna 41,900, barane sida uu ku qaato lacagta noocaas waa adag tahay, marka shaki waxaa i galay in loo salaxaayay” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Prof Xasan Cumar Mahad Alle.

Kiiska Abwaankan ayaa dhaliyay hadal heyn xoogan, waxaana barasha bulshada qabsaday nuqul kamid ah buug uu dhammeystiray bishan October kaas oo uu ugu magac daray DIBAD-WAREEG, wuxuuna kusoo bandhigay qoraal muujinaya inuu hiil u yahay Al-Shabaab

The post Xog cusub oo ku saabsan arrinta NAGEEYE + Video appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this