Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka SSC-Khaatumo oo ka digay abaabulka dagaal ee Somaliland wado

Recommended Posts

Deeq A.   
Polish_20231016_040504799.jpg?resize=720

Somaliland ayaa sida wararku sheegayaan bilowday in ay ciidamo ku daabusho ceelka lagu magacaabo God heeli oo ka tirsan degaanka Gar-dag ee gobolka Sanaag.

Ciidamo ka tirsan Somaliland oo laga soo raray taliska Oog ayaa saldhig ka samaystay tuulada God heeli oo dhacda marin istiraatiiji u ah waddooyinka dhoodida ee gobolka Sool.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Somaliland dhaq dhaqaaq ciidan ka wado magaalada Ceerigaabo halkaas oo uu ku sugan yahay taliyaha ciidamada Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sidoo kale maalin ka hor sheegay in Somaliland isu diyaarinayso dagaal rogaal-celin ah oo ku jihaysan dhulka SSC-khaatumo si ay dib ugu qabsato.

Maamulka SSC-khaatumo ayaa dhankiisa ka hadlay dhaq dhaqaaqa dagaal ee Somaliland waxaana uu ka digay in colaad danbe laga abuuro degaannada labada dhinac.

FB_IMG_1697418571915.jpg?resize=720%2C93

PUNTLAND POST

The post Maamulka SSC-Khaatumo oo ka digay abaabulka dagaal ee Somaliland wado appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this