Sign in to follow this  
Deeq A.

Wareysi: Al-Shabaab oo caawa weeraray deegaan uu joogay Xildhibaan Jeesow + Khasaaraha

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG_5271.jpeg?fit=1284%2C1599&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay ku sugnaa deegaanka Yaaqbariweyne ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa caawa lagu qaaday weerar culus.

Xildhibaan Daahir Jeesow ayaa hogaaminayo ciidamo badan oo beeshiisa Gaaljecel ka soo kasoo jeeda, kuwaas oo u soo diyaar garoobay inay deegaanada beesha ka xoreeyaan kooxda Al-Shabaab.

Jeesow ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay caawa ku soo qaaday weerar culus, isla markaana ay iska caabiyeen oo dagaalka ay ku jebiyeen kooxdii duulaanka ku soo qaaday fariisimahooda Yaaqbariweyne.

Meydadka badan ayuu sheegay in Shabaab ay uga carareen gudaha magaalada, isla markaana ay berri soo bandhigi doonaan meydadka kooxdaas.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa sheegay in ciidankiisa ay dhaawacyo ka soo gaareen dagaalkaas, isla markaana askartii dhaawacyadu soo gaareen ay caawa geeyeen saldhigga ciidamada Danab ee Ballidoogle, si loo daweeyo.

Daahir Amiin Jeesow ayaa sheegay in weerarka Al-Shabaab uu ku bilowday qaraxyo ismiidaamin ah, kadibna uu xigay weerar toos ah, kaas oo socday ilaa ay ka jebiyeen kooxdii soo weerartay ee Al-Shabaab.

Xildhibaanka oo wareysigaan siiyey TV-ga Somali Cable ayaa sheegay in hadda ay gacanta ku hayaan magaalada Yaaqbariweyne oo caawa dagaalkaasi uu ka dhacay, isla markaana ay sii eryanayaan firxadka Shabaab-kii ku soo duulay.

Xildhibaanka oo in ka badan bil ku sugan magaaladaas ayaa la weydiiyey sababta uu u joogo halkaas, wuxuuna sheegay in maalin kasta ay fuliyaan howlgallo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, isla markaana ay ku guuleysteen inay kooxda ka xoreeyaan dhowr deegaan oo hoos taga degmada Walaweyn ee gobolka Sh/Hoose.

Hoos ka dhageyso wareysiga xildhibaanka

The post Wareysi: Al-Shabaab oo caawa weeraray deegaan uu joogay Xildhibaan Jeesow + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this