Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Xamza oo sheegay sida kaliya ee Soomaaliya ku gaari karto…

Recommended Posts

Deeq A.   
xamza.jpg?fit=2048%2C1366&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay in soddonkii sano ee ay Soomaaliya ku jirtay colaadaha iyo dowlad burburka ay adduunyadu ku tallaabsatay horumarro iyo isbeddello dunida wax ku soo biiriyey, sidaas darteed loo baahan yahay in la xaqiijiyo.

Mudane Xamza oo ka hadlayay shir looga hadlayay Hannaanka Jiheynta Dowladnimada Casriga ah ee Soomaaliya ayaa waxa uu tilmaamay in lagama maarmaan tahay in loo shaqeeyo si ka duwan, kana dadaal badan sidii hore, si dalkeennu u xaqiijiyo kuwa lamid horumarrada caalamka.

“Soddonkii sano ee aan adduunka ka maqnayn anagoo ah dowlad shaqeynaysa, waa soddonkii sano ee tiknoolajiyaddu soo biirtay, dowladuhuna ay horumarka gaareen, marka si aan u gaarno dunida waa in aan sameynaa dadaal ka badan kii hore.” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza.

Sidoo kale waxa uu sheegay in middaasi ay laf-dhabar u yihiin agaasimeyaasha guud dhaqan-gelinta geeddigaas dowladnimada casriga ah ee uu dalku u jiheystay.

“Marka aad fiiriso Turkiga oo kale oo aan saaxiibo nahay soddan sano kahor halkee ayay joogeen, maantana halkee ayay joogeen, dowlad kasta bal fiiri halka ay soddan sano kahor joogtay iyo halka ay maanta joogto, waxay ku tusineysa in aad nalooga tagay.”

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaa la rabaa in aan xawaare dheereynaya ku dhaqaaqno, marka maadaama aan rabno in aan gaarno waa in intay socdaan in ka badan aan socono. Waxaa ii cadaatay in hayaankaas u dhaqaaqi karin haddii sidii caadiga aheyn u socono.”

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in dalka ay ka dhici doonaan isbeddello waaweyn oo ay ugu horreeyaan cirib-tirka kooxaha argagixisada, deyn-cafinta, dhammeystirka dastuurka iyo bixitaanka ATMIS.

 

The post Daawo: Xamza oo sheegay sida kaliya ee Soomaaliya ku gaari karto… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this