Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya oo taageero heer caalami ah u heshay dagaalka – Warbixin

Recommended Posts

Deeq A.   
dagaal-ciidamada.png?fit=3000%2C1800&ssl

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladaha dunida ugu waaweyn adduunka ayaa Soomaaliya taageero xooggan ugu muujiyey dagaalka ay kula jirto kooxda Khawaarijta ah ee Shabaab, taasina waxaa caddeyn u ah shir dhawaan ka dhacay magaalada Ankara ee xaruunta dalka Turkiye.

Waxaa sidaasi caddeeyay Wasaaradda Arrimaha dibadda ee dalka Türkiye, kaasi oo sheegtay in Ankara uu ka dhacay kulan heerkiisu sarreeyo oo ay ka qeyb galeen dowladaha Türkiye, Qatar, Isutagga Imaaraatka Carabta ee Midoobay (UAE), Boqortooyada Dalka Ingiriiska the United Kingdom (UK) iyo Dowladda Maraykanka (USA).

Kulanka ayaa waxaa lagu taageeray, weliba taageero buuxda lagu siinayo dagaalka Soomaaliya kula jirto kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab ee ka socda dalka ee uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Shiikh Maxamuud hoggaaminayo, waxaana lagu soo waramayaa in dowladaha kulmay ay sheegeen, islamarkaana ay qireen in Soomaaliya horumar aan la soo koobi karin ay ka gaartay la dagaalanka argagixisada Shabaab-ka.

Shirkaasi oo ka dhacay magaalada madaxda dalka Turkiye ee Ankara ayaa madaxdii ka qeyb-gashay waxay la isku raaceen in Madaxweynaha Soomaaliya iyo dowladdiisa lagu garab istaago dagaalka xooggan ay kula jiraan argagixisada Al-Shabaab, waxaa kaloo jirta in si gaar ah oo aan qarsoodi aheyn ay xukuumadda Ankara ay si mug leh u taageertaa dagaalka Shabaab-ka iyo ka ciribtirkooda ee ka socda gudaha dalka Soomaaliya.

Mar haddii loo helay taageero heer caalami ah dagaalka xooggan ee lagula jiro kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab ayaa waxaa la dhihi karaa waxaa soo dhawaaday dhammaadka kooxda maleeshiyaadka ah ee Shabaab-ka, taasina waxaa caddeyn u ah mar haddiiba dowladihii waaweynaa ay xoog u taageereen dadaalka ay dowladdu ugu jirto ciribtirka Kooxaha xag-jirka ah ee ku dhuumaaleyta gudaha dalka.

Dhinaca kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaalioya oo ka hadlaayay howl-gallada socda ayaa shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwooda ku nool dhulka Miyiga ah ugu mahadnaqay kaalinta muuqata ee ay ka qaadanayaan howlgallada ay Ciidamada Qalabka Sida ku baacsanayaan Khawaarijta howdka ku dhuumaaleysanaaya.

“Kalluunku wuxuu ku noolaan yahay biyaha, haddii barkadda biyaha ee uu kalluunku ku nool yahay laga daadiyo biyaha, kalluunka kuma noolaan karo, Argagixisada iyo Khawaarijta biyaha ay ku dhax nool yihiin waa shacabka, maantana Allah mahaddii Shacabkii waa ay arkeen in nimankaan aheyn kuwo ay sii xambaarsanaan karaan, wayna diideen waxay ku soo jireen 16-kii sano ee la soo dhaafay,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

”Cadowgii na xasuuqay Oktoober 14-keedii naguna xasuuqay magaalo kasta, oo Soomaaliya ku taal iyo Hoteel kasta iyo Isgoys kasta ee ku yaal Muqdisho, wali way u soo malabsanayaan sii daadinta dhigga Dadaka Soomaaliyeed ee qaaliga ah, haddii ay fursad kale helayaanna gumaadkaasi oo ka xanun badan ayay weli nala maagan yihiin, nasiib wanaag Maanta halistu way ka yar tahay, balse ma aysan dhammaan,” ayuu yiri Mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo Khudbad uu kaga hadlay 14 Oktoober maalinkii lagu xasuuqay Isgooyska Soobe ee Muqdisho Soomaalidii ugu badnayd ee abid isku meel lagu dilo iyo kaalinta Ciidanka XDS, Culumada, Siyaasiyiinta iyo Shacabka Soomaaliyeed ee Dagaalka Khawaarijta u jeediyay Xalay Shacabka Soomaaliyeed.

“Geesiyaal waxaad iftiin u tihiin xorriyadda dadka Soomaaliyeed ee aad ka dhalateen, waxay gura doonaan miraha nabadda ee maanta aad dhiigiina ku tacbeysaan, waxaan idinkula dardaarmayaa ‘waa la idinku seexdaaye ha seexanina,” ayuu markale yiri Madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuuna ciidamada ka balan-qaaday inuu kula noolaa doono furimaha jihaadka, “Waxaan idinla qeybsa doonaan xanuunka iyo farxadda guusha aad ka gaartaan jihaadka.”

Wararka ugu dambeeyay ee laga helaayo goobaha dagaalada ayaa sheegaya in ciidanka xoogga dalka iyo xoogagga deegaanka ee ku sugan deegaanka Barujeed oo 40 KM dhanka Guriceel kaga began degmada Ceel-buur ee gobolka Galgaduud ay saaka ka hortagay weerar Khawaarijtu ku soo qaadday fariisimaha ciidanka xoogga ay ku leeyihin deegaankaasi.

Guddoomiyaha Degmada Guriceel Faarax Cabdi Macallin oo la hadlay Wakaaladda Waraka ee SONNA ayaa waxa uu xaqiijiyey in cadowgu dharbaaxo kulul kala kulmay weerarkii saaka, islamarkaana ay ciidamadu jabiyeen Khawaarijtii soo duulaan tegay.

Kooxda weerarka soo qaaday ee Khawaarijta ayaa jab xooggan lagu gaarsiiyay duulaankaasi ay soo qaadeen, waxaana ay goobta dagaalka uga carareen meydad ay haleeshay rasaasta geesiyaasha, ciidamada ayaana sidii caadiga aheyd ku sugan saldhigyadooda.

SONNA

The post Soomaaliya oo taageero heer caalami ah u heshay dagaalka – Warbixin appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this