Sign in to follow this  
Deeq A.

Xasan Sheekh oo xilka ka qaaday guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda

Recommended Posts

Deeq A.   
Jaamacadda-Umadda.png?fit=888%2C572&ssl=

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka ka qaaday guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Dr Xasan Cumar Mahad-Allah.

Xil ka qaadista uu madaxweynaha ku sameeyay guddoomiyaha Jaamacadda Umadda ayaa waxaa lagu shaaciyay bayaan kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya.

Bayaanka kasoo baxay wasaaradda ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu xeer madaxweyne uu sii-hayaha xilka guddoomiyaha Jaamacadda ugu magacaabay Dr Xasan Cismaan Gacal.

“Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ahna Guddoomiyaha Guddiga Sare ee Jamacadda Umadda Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa faray xafiisyadda Jsamacadda in ay la shaqeeyaan sii-hayaha Guddoomiyaha Jamacadda Umadda Dr Xasan Cismaan Gacal,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay wasaaradda waxbarashada.

Sidoo kale waxa lagu yiri “Wasiirka ahna Guddomiyaha Guddiga ayaa ugu dambeyntiina wuxuu u rajeeyey sii-hayaha Guddoomiyaha cusub inuu ku guuleeysto gudashada waajibaadkiisa.”

Ma cadda sababta xil ka qaadista Mahad-Allah, oo isagu maalmo kahor sameeyay isku shaandheyn dhinaca agaasimeyaasha ah.

Si kastaba, Xil ka qaadista guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda ayaa imaneysa xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in hay’addaha amniga baaris ku hayaan xubno Jaamacadda ah, tan iyo markii ay soo baxday in Nageeye Cali Khaliif oo ahaa macalin wax ka dhigi jiray Jaamacadda uu aaday dhanka kooxda Al-Shabaab.

The post Xasan Sheekh oo xilka ka qaaday guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this