Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii u danbeeyay ee dagaal ka dhacay Galgaduud

Recommended Posts

Deeq A.   

Mas’uuliyiinta maamulka Galmudug ayaa xaqiijiyey in maleeshiyaadka Shabaab ay saaka soo weerareen ciidamada dawladda iyo kuwa degaanka oo ku sugan degaanka lagu magacaabo Bar Ujeed oo u dhexeeya Guriceel iyo Ceelbuur.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in degaanka lasoo weeraray uu istiraatijiyad u leeyahay hawlgallada ciidamada dawladda iyo kuwa degaanka, waxayna sheegeen in ciidanku halkaasi ay dhaqdhaqaaq ka wadeen.

Kooxda Shabaab ayaa dhinacooda shegetay in maleeshiyaadkaadu ay qabsadeen saldhiggaasi ayna dileen tobannaan ka tirsan ciidamada dawladda, sheegashadaas oo aan si madaxbanaan loo xaqiijin.

PUNTLAND POST

The post Wararkii u danbeeyay ee dagaal ka dhacay Galgaduud appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this