Sign in to follow this  
Deeq A.

Falcelin oo xoogan oo ka dhalatay arrin uu sameeyay Cali Guudlaawe

Recommended Posts

Deeq A.   
Guudlaawe.jpeg?fit=1180%2C787&ssl=1

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa qaaday tallaabo dhalisay hadal heyn xoogan, kadib markii uu magacaabay Gudiga Fatahaadaha iyo Dabeylaha Elnino ee maamul goboleedkaasi.

Guddigan oo ka kooban 11 xubnood ayaa waxaa guddoomiye looga dhigay Xildhibaan Caasho Khaliif Maxamed oo ah wasiirka gargaarka dowlad goboleedka HirShabelle.

“Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo ka duulaya aafooyinka ka dhalan kara fatahaadaha iyo duufaannada elnino ayaa Magacaabay Gudiga Fatahaadaha iyo Dabeylaha Elnino” ayaa lagu yiri wareegto kasoo baxday HirShabelle.

Haddaba sidoo looga falceliyay arrintan uu sameeyay madaxweyne Cali Guudlaawe?

Qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada ayaa si weyn uga hadlay arrintan, waxayna qaarkood ay su’aallo ka keeneen xilliga lagu soo aadiyay magacaabista guddigan, maadaama aysan weli dhicin fatahaad, halka kuwa kalena ay sheegeen in laga damacsan yahay arrintan mashruuc gaar ah, sida ay hadalka u dhigeen.

Cali Cabdiraxmaan oo kamid ah dadka ka hadlay arrintan ayaa yiri “Guddi beel, fatahaado wax ka daran ayaa maalin walba taagan ee wax ka qabo”.

Ibraahim Cali Nuur ayaa su’aal ka keenay dhismaha guddigan, wuxuuna yiri “Fatahaad maba dhicinee maxaa waa guddigaan?”

Caydaruus ayaa isaguna yiri “Beeso raadis waayay Guudlaawe i aamina”

Shaafici Yuusuf ayaa ku jawaabay “Mashruuc cunistii miyaa billowdeen hadda? dagaallada qabaa’ilka mashruuc idiin ahaa xal waara allaha keeno”.

Maxamed Cumar ayaa isna yiri “Cali Guudlaawe ugu yaraan damiir dhaqaaqo ma lahan miyaa? sidaan maa waqtiga ku dhamaysahaa ilaahow adaa noo maqan”

The post Falcelin oo xoogan oo ka dhalatay arrin uu sameeyay Cali Guudlaawe appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this