Sign in to follow this  
Deeq A.

Banaanbaxyo Lagu Taageerayo Falastiin Oo Ka Dhacay Washington, London Iyo Germany

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa sii xoogeysanaya banaanbaxyada lagu taageerayo Falastiin oo ka kala dhacaya dalalka Caalamka, iyadoo shalay oo Sabti ahayd ay banaabaxyada ka dhaceen caasimadaha Mareykanka iyo UK.

Kumanaan dibadbaxayaal ah oo taageersan Falastiin ayaa shalay iskugu soo baxay badhtamaha magaalada London, iyagoo ku baaqaya in la soo afjaro dhaq-dhaqaaqa millatari ee Israa’iil ay ka wado marinka Qaza, kaasoo ka dhashay weeraradii toddobaadkii hore ay Israel ka geysatay kooxda Xamaas.

Dibad-baxayaasha, oo qaar badan oo ka mid ah ay lulayeen calanka Falastiiniyiinta iyo boodhadh ay ku qoran yihiin “Falastiin xor ah,” ayaa isugu soo baxay meel u dhow Oxford Circus halkaasoo ay u aadeen dhanka Downing Street, oo ah guriga rasmiga ah iyo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Britain Rishi Sunak.

Sidoo kale magaalada Washington DC ee caasimada Maraykanka ayey isugu soo baxeen kumanaan shacab ah oo kasoo horjeeda duulaanka Israel.

Ururada u dooda xuquuqda Carabta, Muslimiinta iyo Falastiiniyiinta ee Mareykanka ayaa dhalleeceeyay taageerada shuruud la’aanta ah ee Washington ee dagaalka Israa’iil ee Gaza, iyaga oo dhaleeceeyay warbaahinta iyo siyaasiyiinta Mareykanka.

Magaalada Dusseldorf ee dalka Germany ayaa kamid ah goobaha shalay sida weyn la iskugu soo baxay.

Dalalka Islaamka ayey sidoo kale tan iyo shalay ka dhacayeen banaanbaxyo waaweyn.

Banaanbaxyo-taageero-Falastiin-141023-1- Banaanbaxyo-taageero-Falastiin-141023-2- Banaanbaxyo-taageero-Falastiin-141023-3- Banaanbaxyo-taageero-Falastiin-141023-5-

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this