Sign in to follow this  
Deeq A.

IRAN Oo Digniin Adag Ka Soo Saartay Duqeynta Isra’il Ee Qaza

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Tehran)-Iran ayaa dalbatay in Israa’iil ay joojiso weerarrada ay ku hayso Gaza, iyadoo ka digtay in dagaalku uu ku fidi karo qaybaha kale ee Bariga Dhexe haddii Xisbullah ay ku biirto dagaalka, iyadoo intaas ku dartay in Israa’iil ay la kulmi karto dhul gariir weyn.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran, Hossein Amir-Abdollahian, oo warbaahinta kula hadlay Beyruut ayaa sheegay in kooxda Xisbullah ee Lubnaan ay tixgalisay dhammaan xaaladihii dagaal, balse Israel ay tahay inay si degdeg ah u joojiso weerarrada ay ku hayso Gaza.

Amir-Abdollahian ayaa sheegay in uu la kulmay hogaamiyaha Xisbullah Sayyed Hassan Nasrallah.

“Tallaabo kasta oo iska caabintu Xisbullah ay qaadi doonto waxay sababi doontaa dhulgariir weyn oo ku dhaca hay’adda Sahyuuniyadda,” ayuu yidhi.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this