Sign in to follow this  
Deeq A.

Sacuudiga oo hakiyay wadahadaladii uu kula jiray Israa’iil

Recommended Posts

Deeq A.   

Sacuudi Carabiya ayaa hakisay wada-hadalladii xidhiidh rasmi ah oo ay yeeshaan Israa’iil, xilli uu socdo dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas.

“Sacuudi Carabiya waxay go’aansatay in ay hakiso ka doodista xidhiidh ay la yeelato Israa’iil, waxayna ku wargelisay saraakiisha Mareykanka oo labada dhinac dhex dhexaadinayey,” siduu sheegay sarkaal la hadlay wakaalada AFP.

Sacuudi Carabiya waligeed ma aqoonsan Israel, kuma biirin heshiiskii 2020-kii ee Mareykanka uu dhexdhexaadinayey Israa’iil iyo deriskooda khaliijka Bahrain iyo Imaaraadka Carabta iyo sidoo kale Morocco oo xidhiidh rasmi ah la sameeyeen Israel.

Maamulka madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa bilihii lasoo dhaafay si weyn ugu dadaalayay in Sacuudiga uu qaado tilaabadaas oo kale.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this