Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Wasiir Mukhtaar Roobow walaalkiis oo lagu xiray Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
387868757_860550285440297_48517469319230

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya xarig Muqdisho loo gaystay Ibraahim Roobow Cali, oo ah walaalka ka yar Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo ah wasiirka wasaaradda diinta iyo awqaafta ee dowladda Soomaaliya.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Ibraahim Roobow Cali ay soo xireen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka, wuxuuna xalay ku hoyday C.I.D-da

Ma cadda illaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee loo soo xiray ninkan, balse wararka qaar ayaa sheegaya in haatan ay ku socoto baaris ku aadan adeeggii Xajka ee sanadkan, maadaama uu xoghaye u ahaa guddigii ay wasaaradda u xil saartay arrimaha Xajka.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in maalmihii u dambeeyay ay dowladda federaalka dabagal ku haysay mas’uuliyuin ka tirsan guddigii arrimaha Xajka oo la sheegay inuu xubno gaar ah oo awood leh uu ku dhax lahaa wasiir Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur).

Ninka lasoo xiray ayaa waxaa lagu soo warramayaa in sidoo kale uu ahaa gacan yaraha wasiirka wasaaradda diinta iyo awqaafta, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareeydo xilkas ah, waxaana uu wajahayaa eedeymo culus, ayadoo hal heyn xoogan ay ka dhalatay xarigiisa.

Sidoo kale ninkan ayaa mar kale kasoo muuqday guddi cusub oo uu 4 maalmood ka hor arrimaha Xajka u magacaabay wasiir Roobow, wuxuuna ku qornaa xoghayaha guddigaas.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan kiiska Ibraahim Roobow Cali, mana jirto eed cad oo ay soo bandhigtay xeer ilaalinta.

Muddooyinkii u dambeeyay dowladda Soomaaliya ayaa wadday dagaal culus oo ka dhan ah musuqa, kaas oo loo soo xiray mas’uuliiin dhowr ah oo qaarkood la maxkamadeeyay.

The post Xog: Wasiir Mukhtaar Roobow walaalkiis oo lagu xiray Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this