Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo gacanta ku dhigtay madaxii Sahanka iyo Sirdoonka maleeshiyaadka AS

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidanka Amniga Puntland ee PSF ayaa warbixin ka soo saaray hawlgal qorshaysan, oo ay ka fuliyeen buuraleyda gobolka Bari

Taliska PSF ayaa sheegay in hawlgalkaas ay ka fuliyeen degaanno ka tirdan buuraleyda gobolka Bari oo ay ku jiraan Yucrun, Ceelka dhul, Cascaso, Qarka xabley, Ceelka dhiciro, Gaaca iyo Conqor.

Hawlgalka ayaa lagu qabtay saddex xubnood oo ka tirsan maleeshiyaadka AS, oo uu kamid yahay madaxii Sahanka iyo Sirdoonka u qaabilsanaa maleeshiyaadka AS, sida ay sheegeen PSF.

“Hawlgaladaas waxaa lagusoo qabqabtay sadex xubnood oo uu kamid yahay madaxii sahanka iyo wardoonka ee kooxda khawaarijtaa” ayaa lagu sheegay warka PSF.

PUNTLAND POST

The post Puntland oo gacanta ku dhigtay madaxii Sahanka iyo Sirdoonka maleeshiyaadka AS appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this