Sign in to follow this  
Deeq A.

Ganacsatada dalka oo lagu booriyay in ay ka qayb qaataan wax soo saarka beeraha

Recommended Posts

Deeq A.   

Arabsiyo,(Qaran news)- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL Mudane Cabdiqaadir Iimaan Warsame, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Ganacsatada dalka, si uu ugu dhiirigeliyo inay ka qayb-qaataan wax soo-saarka dalka.

Kulankan oo sidoo kale ujeeddadiisu ahayd sidii Ganacsatadu wada-shaqayn dhow ula yeelan lahaayeen Wasaaradda Beeraha JSL, ayaa ka qabsoomay Beerta uu Magaalada Arabsiyo ku leeyahay Maxamed Xasan Carwo.

Sidoo kale, kulankaasi ayaa lagaga wada-hadlay hirgelinta Daladda Ganacsato Beeralayda dalka iyo sidii sharcigeeda loo hirgelin lahaa, isagoo Wasiirka Beeruhu u soo bandhigay Ganacsatada dalka sida ay uga qayb-qaadan karaan horumarinta wax-soo-saarka dalkooda.

Ugu dambayn, kulankaasi ayaa soo ku soo dhamaaday isfaham iyo Jewi wanaagsan.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this