Deeq A. Posted October 14, 2023 Hargeysa(Qaran news)-Guri Jiingad ah oo subaxnimadii hore saaka dab Qabsaday magaalada Hargeysa. Ciidanka Dab-demiska magaalada Hargeysa ayaa damiyay dab qabsaday Guri Jiingad ah oo ku yaala xaafada 150 ka. Dabkan ayaa halis galiyay guryihii u dhawaa waxaana ciidanku dabkaa ka badbaadiyeen guryihii kale.Ciidanka Booliska ayaa iyaguna dhankooda hawlgalkaa ka qayb qaatay. Ciidanka Dab-demisku wuxuu halkan fariin uga dirayaa bulshada Somaliland in ay ka digtoonaadaan halista dabka ama wax kasta oo keeni ama sababi kara dab, sidoo kalena ka fogaadaan goobaha dabku ka kaco. Isla marka dabku dhacana soo wargeliyaan inta dabku yaryahay. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites