Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka dab damiska oo ilma yar ka soo saaray suuli ay hooyadii ku tuurtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidanka dab damiska ee Hargeysa ayaa ku dhawaaqay shalay howlgal ay fuliyeen waxa ay suuli kagasoo saareen ilmo yar oo la sheegay in hooyadii dhashay ay tuurtay.

Xaafadda Cabaaye ee magaalada Hargeysa oo ah halka ay dhacdadu ka dhacday ayaa waxaa inta badan ku nool dad aan soomaali ahayn oo kasoo safray dalal kale.
3cd1be30-69e5-11ee-883d-61bb9e676cae.jpg
Ciidanka Dab demiska Hargeysa oo helay wicitaanka deg dega ah ayaa durba gaaray guriga lagasoo tebiyay dhacdada iyagoo ay u suura gashay in soo saaraan ilmaha yar balse nasiib darro xilligaasi ilmuhu muusan nooleyn maadama uu saacado suuliga ku jiray.
Mid kamida shaqaalaha ka hawlgala xafiiska warbaahinta oo sharraxaya sida ay wax u dheceen ayaa yiri, “Waxaanu warka ka helnay waxaa lala soo xiriiray lambarka gurmadka degdega ah ee 990 oo ay la soo xiriireen dadka deriska la’ah guriga ay wax ka dheceen, intaa kadiba ciidamada Dabdemisku waxay si degdeg ah ku tageen goobta, isla markaana ay bilaabeen hawlgalka”.
Dhanka kale hooyada falkan geystay ee dhashay ilmaha yar ayaa la sheegayaa in ay kasoo jeeddo qowmiyadda Oromada oo in badan oo kamida ay ku noolyihiin Somaliland, ma jiro faahfaahin ay ciidmadu ka bixiyeen sababta ku kalliftay hooyadan ficilka ay sameysay balse ciidanka dab damiska ayaa nala wadagaay in hooyada haatan ay ku jirto gacanta booliska isla markaana uu baaritaan ku socdo.
Xafiiska warbaahinta oo ka hadlaya ayaa yiri, “Hooyada falka geysatay waxa ay ka soo jeedday Qawmiyada Oromada ee waddanka Itoobiya, waxaana ay kamid ahayd dadka Oromada ah ee ku nool Somaliland, sababta ay falka u geysatay annagu hadda si cad uma sheegi karno balse waxaa arrinta baaraya oo gacanta ku haya laamaha amniga iyo ciidamada booliska”.
069616a0-69e9-11ee-883d-61bb9e676cae.jpg
Sidoo kale ciidanka dab damiska ayaa la arkayay iyaga oo gudaha u galay god hoose oo ay qodeen si ay ilmaha ugasoo saaran. Waxay sheegeen in dhawr saacadood uu ilmuhu ku jiray godka suuliga inta aan la ogaysiin ka hor.
“ Ciidanka Dab demisku isagoo adeegsanaya xirfadihiisa iyo Qalabka Samatabixinta iyo badbaadada wuxuu ilmahaa yar ka soo saaray Musqusha, balse xilliga ciidanka lasoo wacay ee ay guriga gaareen waxa ay ahayd 8:30 halka xilliga ilmaha meesha lagu ridayna uu ahaa 4 ta subaxnimo sidaasina ilmuhu uu ku dhintay maadaama uu afar saacadood ku jiray”.
Caruurta musqulaha lagu rido ma ahan mid ku cusub Hargeysa. Dabdamiska ayaa sheegay in badan ay soo noqnoqotay oo ciidamada Dabdemisku la kulmeen iyadoo ciidamadu caruuro musqulo lagu riday iyagoo nool ka soo saaray xiliyo hore.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this