Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Sheekh Cumar Faaruuq oo markale sheegay dagaaladda ka soconaaya Soomaaliya inaysan xi

Recommended Posts

Sheekh Cumar Faaruq Cabdi Suldaan Xaaji Maxamuud ayaa ka hadlay dagaaladda ka soconaaya gudaha dalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in’ay dagaaladaasi yihiin kuwa aan ku saleesneen Diintayna Suuban ee Islaamka, wuxuuna ku baaqay in la-joojiyo.

 

Sheekh Cumar Faaruuq oo ka hadlaayay qol kamid ah qolalka Shabakadda Paltalk-ka oo lagu magacaabo SOMALI ISLAMIC ALTAQWA CENTER, ayaa ka hadlay dagaaladda ka soconaaya gudaha dalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in’ay dagaaladaasi yihiin kuwa aan shaqo iyo shuqul toona ku laheyn Diintayna Suuban ee Islaamka.

 

Wuxuu Sheekhu sheegay in laga wanaagsan yahay in dhiigga ummada Islaamka la’iska daadiyo, wuxuuna kooxaha dagaalamaaya uu ugu baaqay inay joojiyaan dagaaladda ay ku dhimanaayaan dad masaakiin ah oo in muddo ah dagaalo aan kala joogsi laheyn kusoo dhex jiray.

 

Sidoo kale wuxuu ummada Soomaaliyeed uu ugu duceeyay in uu ALLE ka dul qaado kooxaha dagaaladda aan dhamaadka laheyn ee ka wada gudaha dalka Soomaaliya, wuxuuna Sheekh uu rajo ka muujiyay in uu dhawaan soo afjarmi doono dagaaladda ka soconaaya dalka Soomaaliya.

 

Dhanka kale Sheekh Cumar Faaruuq oo boqolaal Soomaali ah kala hadlaayay qolka Somali Islamic Altaqwa Center ayaa siiyay fursad balaaran oo ay ku weydiin karaan su’aalaha mugdiga kaga jira, waxaana barnaqamijkaasi xiriirinaayay Sheekh Maxamed Ibraahim “Abuu Hureyra” iyo Sheekh Xanafi.

 

Si kastaba ha-ahaatee culima’udiinka Soomaaliyeed ayaa waxay gebi ahaantooduba ay sheegeen in dagaaladda ka soconaaya gudaha dalka Soomaaliya aysan xiriir la-laheyn Diintayna Suuban ee Islaamka, halka Mujaahidiinta Xarakada Al Shabaab iyo Xisbul Islaam ay ku adkeysanaayaan in’ay ku jiraan Jihaad xaq ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this