Sign in to follow this  
Deeq A.

Askar iyo saraakiil ku geeriyooday duleedka Muqdisho, kadib markii…

Recommended Posts

Deeq A.   
Muqdisho-3.jpg?fit=1283%2C713&ssl=1

Balcad (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay shil gaari oo maanta ka dhacay waddada dheer ee xiriirisa magaalooyinka Balcad iyo Muqdisho, gaar ahaan deegaanka Carafaat, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Shilka ayaa yimid kadib markii uu rogmaday gaari ay ka socdeen askar ka tirsan ciidamada ammaanka ee maamullada degmooyinka Balcad iyo Warsheekh ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Gaariga rogmaday ayaa ka baxay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, wuxuuna ku sii jeeday dhanka degmasa Balcad, sida ay innoo sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Wararka ayaa sheegaya in shilkan ay ku dhinteen ugu yaraan 6 askari oo uu ku jiro taliye ku xigeenkii saldhigga booliska degmada Warsheekh oo lagu magacaabi jiray Cali Shaal Maxamed.

Sidoo kale waxaa falkan ku dhaawacmay ugu yaraan 5 askari oo kale oo la socday gaariga gadoomay oo ahaa nooca dagaalka, kuwaas oo loo soo qaaday magaalada Muqdisho.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga iyo maamulka degmada Balcad oo ku aadan shilkaasi sababay khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca.

Muddooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa shilalka ay kusoo badanayeen laamiga isku xira Balcad iyo Muqdisho oo dhawaac lagu sameeyay dib u dayactir, waxaana loo sababeynayaa darawallada oo si xawli ah u kaxeeya gaadiida marka ay isaga kala gooshaan labadaasi magaallo.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa ku badan shilalka gaari, kuwaas oo sababa khasaaraha ugu badan ee dhimashada iyo dhaawaca, maadaama aysan jirin isla xisaabtan dhab ah iyo shuruuc lagu hago gaadiidleyda dalka.

The post Askar iyo saraakiil ku geeriyooday duleedka Muqdisho, kadib markii… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this