Sign in to follow this  
Deeq A.

Halka uu marayo howlgalka sifeynta isku milanka dowladda iyo Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   
NISA.jpeg?fit=800%2C450&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii ay billowdeen howl-gallada dagaal ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, waxaa barbar socday howl-gal lagu sifeynayo isku milanka dowladda iyo kooxda.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka ee NISA oo baaris ku haysay arrintaan ayaa waxay usoo qab-qabatay la shaqeynta Al-Shabaab saraakiil iyo masuuliyiin dowladeed.

Isku milanka dowladda iyo kooxda ayaa sanadihii lasoo dhaafay gaaray heer aan la suureysan karin, ayada oo kooxda xubno kala duwan ku abuurtay hay’adaha kala duwan ee dowladda, kuwaasi oo qaarkood ay adkeyd in laga shakiyo kahor baarista lugaha la gashay.

Intii uu socday howl-galka sifeynta ah ee hay’adaha dowladda waxaa kooxda Al-Shabaab u baxsaday shaqsiyaad ugu dhex jiray dowladda, oo xogteeda u gudbin jiray kooxda, kadib markii ay soo galeen raad la xiriira howl-galka sifeynta ee waddo NISA.

Sida uu kal hore shaaciyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa la shaqeynta Al-Shabaab loo soo xiray saraakiil, kuwaasi oo qaarkood loo haysto inay kooxda u fududeeyeen gaarista bartilmaameedka qaraxyada ay soo diyaariyaan.

Wasiirka arrimaha gudaha, Axmed Macallin Fiqi ayaa sidoo kale xaqiijiyay inay jiraan shaqsiyaad kale oo ka tirsan hay’adaha amniga oo u fakaday kooxda Al-Shabaab, islamarkaana arrintan ay muujineyso in si weyn la isku dhex-galay.

“Ciidanka Nabad-sugidda kuwo ku jiray oo saraakiil ah ayaa fakaday booliska kuwa ku jiray ayaa fakaday, milatariyaa kuwa saraakiil ah inta lasoo qabtay la toogtay waa maqleysiin guddoomiyihii baarlamaanka darawalkiisii, hadda dal waxaan ku dhex jirnay la’is dhex galayba,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Waxaa ugu dambeeyay shaqsiyaadka dhanka kooxda Al-Shabaab aaday Abwaan Nageeye Cali Khaliif, oo si aad ah uga agdhawaa qaar kamid ah madaxda sare ee dalka.

Ninkan ayaa ahaa macalin wax ka dhiga Jaamacadda Ummadda, islamarkaana aad looga yaqaano dalka, waxaana la faafiyay qoraal uu horey Facebook u dhigay iyo buug la sheegay in uu isaga qoray.

Waxaa sidoo kale la baahiyay sawirro la sheegay inay muujinayaan isaga oo booqanaya magaalada Jilib oo xarun u ah Al-Shabaab iyo magaalooyin kale oo ku yaalla Jubooyinka oo kooxda ay ka taliso, marka uu tegay magaalooyinkaas waa 2021-kii.

Si kastaba, Howl-galka sifeynta ayaa loo arka mid laf-dhabar u ah dagaalka dowladda kula jirto Al-Shabaab, maadaama ay adag tahay in laga adkaado koox aad dagaalsan tihiin oo xubno kugu dhex leh, oo xogtaada loo gudbinayo.

The post Halka uu marayo howlgalka sifeynta isku milanka dowladda iyo Shabaab appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this