Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidankii ka baxay Muqdisho oo maanta tegay Wisil kuna dhawaaqay go’aan culus

Recommended Posts

Deeq A.   
ciidanka-Gor-Gor.jpg?fit=960%2C640&ssl=1

Wisil (Caasimada Online) – Labo urur oo ka tirsan guutada 18-aad ee ciidanka Gor Gor oo maalmo ka hor ka baxay magaalada Muqdisho ayaa maanta safar dhulka ah ku gaaray degmada Wisil ee gobolka Mudug.

Saraakiisha ciidankaas oo warbaahinta kula hadlay Wisil ayaa sheegay inay ka dagaalami doonaan deegaanada ay Shabaab kaga hareen gobolka Mudug oo Shabeelow uu ugu horeeyo.

Labadaan urur oo kala ah 9-aad iyo 10-aad ayaa safar ay uga baxeen Muqdisho ku maray gobollada dhexe oo dhan, ugu dambeyntii waxay maanta gaareen degmada Wisil ee koonfurta gobolka Mudug.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa ciidankaan ku soo dhaweeyey degmo kasta oo ay safarkaan ku mareen, hadda waxay qorsheynayaan inay u gudbaan Shabeelow oo godad waaweyn ay Shabaab ka qoteen.

Kooxda Al-Shabaab ayaa laga saari waayey koonfurta gobolka Mudug, waxay ka qaateen dhufeysyo waaweyn, waxaana hadda halkaas ku hor fadhiya ciidamo isugu jira guutada Abuu-dujaana iyo xoogagga deegaanka.

Dowladda Soomaaliya ayaa dardar gelineysa dagaalka Al-Shabaab, ciidamada Gor Gor oo dhawaan fasax ka soo laabtay ayaa dib loogu celinayaa dagaalka, waxayna qaarkood kaabiga ku hayaan deegaanadii ay ka xoreyn lahaayeen Al-Shabaab.

Ciidamo kale oo ka tirsan Gor Gor ayaa shalay gudaha u galay degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellada Dhexe, degmadaas ayaa ka mid aheyd magaalooyinkii ay dib uga soo baxeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale ciidan ka soo jeeda dadka deegaanka ayaa la geeyey Ruun-nirgood, kuwaas oo aan dib uga soo laaba doonin, sida ay qorsheysay beesha degta Ruun-nirgood.

 

 

The post Ciidankii ka baxay Muqdisho oo maanta tegay Wisil kuna dhawaaqay go’aan culus appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this