Sign in to follow this  
Deeq A.

CC Shakuur: Maalintii ugu madowga badneyd Somalia si aysan usoo laaban waa in…

Recommended Posts

Deeq A.   
CC-Shakuur.jpg?fit=1982%2C1424&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo haatan ah ergayga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha bani’aadanimada oo ka hadlay xuska 14 October ee qaraxii Soobe, ayaa ku tilmaamay maalintii ugu madowga badnehd taariikhda Soomaaliya.

Cabdiraxmaan ayaa qoraal uu soo saaray oo uu ku baahiyay bartiisa Facebook wuxuu ku sheegay in ujeedka kooxaha argagixisada ay tahay siday inoo silac dili lahaayeen, na argagax geliyaan, na dulleeyaan, na bahdilan ilaa aan iskaga dhiibno xukunkooda.

“Argagexisadu ma aysan weerarin ciidan ama xarun dawladeed, waxay beegsadeen shacab, ma ku qaldameen? Maya sidaa ayey rabeen, horay ayey Hoteel Shaamow iyo Hargaha iyo Saamaha dad ugu xasuuqeen, dhowaanna Beledweyne baabuur kii Soobe oo kale ah ku qarxiyeen,” ayuu Cabdiraxmaan ku yiri qoraalkiisa.

Sidoo kale waxa uu sheegay in sida kaliya ee maalintaas xanuunka badan noogu soo laaban markale ay tahay in dagaalka kooxaha argagixisada loo midoobo, lala yimaado istiraatiijiyad iyo qorshe qeexan, hal abuur, wacyi iyo abaabul ummadeed.

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran;

Maanta oo ay ku beegantahay 14 Oktoobar waa maalintii ugu madowga badnayd taariikhda Soomaaliya, waa 11 Sabteebartii Afrika. Waa maalinkii ay argagexisadu naga xasuuqeen ku dhowaad kun ruux oo Soomaali ah, intoo kalana dhaawaceen, hanti boqollaal malyan ah burburiyeen, dhaawac maskax iyo nafsad umadd gaysteen.

Waxay dileen arday Iskuul aadaysa iyo macalinkooda, hooyo iyo aabe xusul duub ugu jira biilka maalinlaha ah, inan iyo inan dalka dibaddiisa uga yimid in ay waalidkood ka ducaystaan, wiil waxbarasho soo dhamaystay oo abaal celi lahaa, ku kale oo kaba baaralshe ahaa iyo mid shaqadiisa iyo ganacsigiisa u soo baxay.

Waxay agoonteeyeen ubad badan, waxay rajo beel ku rideen jiil dhan oo maalintaa go’aansaday in ay magafe u gacan galaan, derbiyadana ka daataan, dibna u laabtaan kuwii dalka maalgashan lahaa oo ay hantidoodii Nairobi, Istanbul iyo Dubai u wareejiyeen

Waxaa dadka sii niyad jebiyey markii hoggaankii dalka uu sheegay in ay argagexisadu naga caqiido fiican yihiin, lagana guulaysan karin, sawirro dhiig la shubayo iyo dhaawac booqasho hawshoodii ku ekeetay.

Argagexisadu ma aysan weerarin ciidan ama xarun dawladeed, waxay beegsadeen shacab, ma ku qaldameen? Maya sidaa ayey rabeen, horay ayey Hoteel Shaamow iyo Hargaha iyo Saamaha dad ugu xasuuqeen, dhowaanna Beledweyne baabuur kii Soobe oo kale ah ku qarxiyeen.

Ujeedkooda ayaa ah in ay na silac dilaan, na argagax geliyaan, na dulleeyaan, na bahdilan ilaa aan iskaga dhiibno xukunkooda waxshiga ah. Aqri buugga uu mid ka mid ah hoggaamiyayaashooda qoray ee la yiraahdo
‎”ادارة التوحش” Maaraynta Waxshinimadka.

Sida keli ah ee aan isaga dhicin karnaa waa midnimo, iyo wadajir, istiraatiijiyad iyo qorshe qeexan, hal abuur, wacyi iyo abaabul ummadeed.

The post CC Shakuur: Maalintii ugu madowga badneyd Somalia si aysan usoo laaban waa in… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this