Deeq A. Posted October 14, 2023 Qalalaase xooggan oo ka dhashay natiijada doorasho qof iyo cod ah ayaa saaka ka dhacay dugsiga sare ee Gambool Garoowe. Doorashada ururka ardayda Gambool oo nidaamka qof iyo cod ku dhacday bishii hore ee September islamarkaana natiijadeeda lagu murmay ayaa sababtay qalalaasaha. Wararka ayaa sheegaya in maamulaha dugsiga iyo ardayda qaar ku dhaawacmeen qalalaasaha islamarkaana la bililiqaystay qalabkii waxbarashada ee dugsiga Gambool. PUNTLAND POST The post Qalalaase ka dhacay dugsiga Gambool ee magaalada Garoowe appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites