Sign in to follow this  
Deeq A.

Siciid Deni “Kuwa diidan doorashooyinka qof iyo cod waxa ku dhacday xujo la’aan”

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1678080395122.jpg?resize=720%2C48

Madaxweynaha Puntland ayaa siyaasiyiinta diiddan hirgelinta doorashooyinka qof iyo cod waxa uu ku tilmaamay kuwa xujo la’aani ku dhacday.

Madaxweyne Siciid Deni ayaa xalay sheegay in kuwa diidan taabba-gelinta hannaanka qof iyo cod ay yihiin siyaasiyiin aan haysan wax xujo sharci ah oo ay ku qanciyaan bulshada.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku eedeeyay mucaaradka in ay qori adeegsanayaan si ay jid-gooyo ugu dhigtaan doorashooyinka dadweynaha taas oo sida uu sheegay keentay in degmooyinka qaar aysan ka dhicin qof iyo cod.

“Dadka diidan qof iyo cod ee doonaya in ay joojiyaan markii ay waayeen xujo iyo sharci ay bulshada u soo bandhigaan waxay adeegsanayaan qori iyo jid-gooyo” ayuu yiri Siciid Cabdullaahi Deni.

“Nasiib-darro degmooyinka qaarkood waxaa shacabkii loo diiday iyaga oo kaararkoodii gacanta ku haysta in ay doorashadii galaan balse dowladdu waa xaqiijisay qab-soomida doorashooyinka” ayuu sii raaciyay.

Dhinaca kale waxa uu shaaciyay in Puntland u jihaysatay dhammaystirka nidaamka qof iyo cod oo markaan lagu dooranayo madaxda sare ee Puntland waxaana uu mucaaradka ka dalbaday in ay shacabka cod ka raadsadaan.

PUNTLAND POST

The post Siciid Deni “Kuwa diidan doorashooyinka qof iyo cod waxa ku dhacday xujo la’aan” appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this