Sign in to follow this  
Deeq A.

Burkina Faso oo heshiis ku saabsan warshadda tamarta nukliyeerka la gashay Ruushka

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Burkina Faso ayaa sheegtay shalay Jimcihii, in ay heshiis kula gashay Ruushka dhismaha warshad tamarta Nukliyeerka ah si ay u daboosho baahida tamarta ee dadweynaha.

Burkina Faso ayaa tan iyo sannadkii hore waxaa ka talinayay dowlad milateri ah oo uu hogaamiyo (Kabtan Ibrahim Traoré) oo xidhiidh dhaw la sameysatay Ruushka, isla markaana xidhiidhka u jaray dowlada Faransiiska oo hore dalkaasi u gumeysatay.

Heshiiskan ayaa lagu saxeexay Toddobaadka Tamarta ee Ruushka kaas oo ka dhacay magaalada Moscow, waxaana goob-joog ka ahaa wasiirka tamarta Burkina Faso, Simon-Pierre Boussim.

Wakaalladda Atoomikada ee dawladda Ruushka ee Rosatom ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay, heshiiskan is-fahamka ah inuu yahay heshiiskii ugu horreeyay ee ku saabsan adeegsiga nabdoon ee tamarta Atoomikada ee u dhexeysa Ruushka iyo Burkina Faso.

Ruushka ayaa sheegay in heshiisku uu dhidibbada u taagay iskaashiga dhinacyada ay ka mid yihiin isticmaalka tamarta Nukliyeerka ee warshadaha, beeraha iyo dawooyinka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this