Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Somaliland oo Shaaciyay in Cadowga ku soo Duulay Dalka Abaalkooda la Marin doono

Recommended Posts

Deeq A.   

F8Y0D6wXQAAyq7X.jpeg

DEGDEG: Madaxweynaha Somaliland oo Shaaciyay in Cadowga ku soo Duulay Dalka Abaalkooda la Marin doono

Hargeysa(Qaran news)-Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in cadowga soo weeraray Somaliland abaalkooda laga waraabin doono.

Madaxweynuhu wuxuu sidaas ka sheegay mar uu maanta Huteelka Ambassador ka furay shirweynaha labaad ee madasha dhaqaalaha Qaranka.

Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu sheegsy in loo baahan yahay in aynu noqono qaran dhan walba ka dhisan .

Madaxweynuhu wuxuu intaas ku daray in Somaliland yeelatay cadow badan ku midaysan inay burburiyaan Somaliland.

Madaxweynuhu wuxuu intaas ku daray in cadowgu u qaatay Somaliland meel la iska soo weerari karo, hase ahaatee abaalkooda la marin doono.

Madaxweynaha Somaliland wuxuu bogaadiyay shacbiga Somaliland ee taageerada hiil iyo hooba leh la garab istaagay ciidanka Qaranka.

Madaxweynuhu waxa kaloo uu ku dooday in qof kasta oo Somaliland inay burburto doonayaa uu u diyaar garoobo dagaal.

Ugu dambayn madaxweynuhu wuxuu sheegay in doorashooyinka sannadka dambe ay Somaliland u horseedaan walaaltinimo iyo in si nabadda xukunka loogu kala helo.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this